4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
Ciidamada dalka Yemen oo toogasho ku dilay kuna dhaawacay Qoxooti Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Laxaj ee dalka Yemen

Axad, November 11, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa dhintay, shan kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii ciidamada dalka Yemen ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen qoxootigan oo marayay gobolka Laxaj ee Koonfurta dalkaas.

Lama oga sababta keentay in ciidamada Yemen ay rasaas ku furaan gaariga ay la socdeen qoxootigan, balse waxaa la sheegay in ciidamada Yemen ay inta badan u arkaan Soomaalida inay xiriir la leeyihiin kooxaha Al-Qaacida xiriirka la leh ee ka dagaalanta dalkaas.

"Dhimashadu waa laba qof, dhaawacuna waa shan... waxaana dhamaantood ay la socdeen gaari ay ciidamada Yemen rasaas ku fureen, ma garanayno sababta loogu furay rasaasta," ayuu yiri mid ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Al-Kharaz oo ku taalla gobolka Laxaj.

Maydadka labada qof iyo dhaawaca shanta kale ayaa la geeyay xerada Al-Kharaz halkaasoo hoy u ah kumannaan ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku nool, iyadoo dhaawacyada shanta qof lagu daweynta Isbitaalka Xeradaas.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ciidamada Yemen ay si bareer ah ugu geystaan Soomaalida qoxootiga ku ah dalkaas, iyadoo aysan jirin hadal kasoo baxay dowladda Yemen oo ku saabsan dilka iyo dhaawaca loo geystay qoxootigan.

Dalka Yemen oo muddo sannad ka badan ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya koox lagu magacaabo Ansaarul-sunnah oo ka tisan Al-Qaacida iyo ciidamada dalkaas ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo dhinac walba oo ka mid ah kuwa ku dagaalamaya dalka Yemen ay u arkeen inay kasoo horjeedaan.

Sannadihii ugu dambeeyay ayaa dalka Yemen wuxuu ahaa meel ay Soomaalidu ka dhigtaan marin ay u sii maraan dalalka kale ee Khaliijka Carabta sida dalka Saudi Arabia halkaasoo ay u arkaan inay ka helayaan shaqooyin wanaagsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya