4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Qoysas kasoo barakacaya Deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Carbiska oo ku soo Qulqulaya Magaalada Muqdisho

Residents flee from renewed clashes between Somalia government forces backed by African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Islamist militants in Somalia’s capital Mogadishu. (Reuters)
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Boqolaal qoys oo kasoo barakacaya deegaannada ka sameysay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa kusoo qulqulaya maanta magaalada Muqdisho, kuwaasoo sheegay inay cabsi weyn soo wajahday.

Deegaannada laga soo barakacayo ayaa waxay kala yihiin: Ceelasha biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole iyo Carbiska oo ah goobo ay horay ugu barakaceen dadkii dagaallada uga cararay magaalada Muqdisho.

"Waxaan kasoo barakacnay deegaannadeennii waayo waxaa saameyn ku yeeshay dagaallada socda. Madaafiic kusoo dhacay ayaa dilay afar qof," ayuu yiri Cali Nuur oo ka mid ah dadka deegaankaas kasoo barakacay.

Barakacayaasha ayaa waxay qaarkood shegeen in dhinacyadu ay billaabeen inay isku hub urursadaan, taasna ay tahay sababta ugu weyn ee keentay inay kasoo barakacaan deegaannadooda.

"Dad badan oo kasoo barakacay Afgooye oo Muqdisho kusoo wajahan ayaa jira," ayuu yiri Yuusuf Cabdi oo qoyskiisa kasoo raray deegaanka Carbiska, halkaasoo ah goobta ay ciidamada dowladdu sheegeen inay qarka u saaran yihiin.

Inkastoo ay hawada ka maqan tahay idaacaddii ku hadli jirtay afka Al-shabaab ee Andulus ayaa haddana waxaa laga soo xigtay afhayeenka dhinaca howgallada u qaabilsan Al-shabaab inay dib ugu laaban doonaan goobihii dagaallada loo qabsaday oo dhan.

Madaxa hay'adda OCHA, Mark Bowden ayaa ka dalbaday dhinaca hardamaya inay ku dadaalaan inaysan khasaare kasoo gaarin dagaalka u dhexeeya dadka shacabka ah ee deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye ku nool kuwaasoo tiro ahaan lagu qiyaasay 400,000 oo qof.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya