4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Ururka Midowga Afrika, Qarammada Midoobay iyo IGAD oo u digay cid walba oo kasoo horjeeda dhameystirka Roadmap-ka

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta oo Talaado ah waxay digniin ugu jeediyeen kooxaha kasoo horjeeda dhameystirka Roadmap-ka iyo in laga gudbo xilliga KMG ah.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in dalka uu ka baxo xilliga KMG ah laguna ansixiyo dastuurka, balse ay jiraan kooxo diiddan in marxaladdii adkeyd ee Soomaaliya ay kusoo jirtay aan doonayn in laga baxo.

Sidoo kale, warka ay soo saareen ururradan waxay sheegeen in in kooxahaas aysan marnaba hor-istaagi karin dadaallada socda in la sii xoojiyo mooyaane, iyadoo lagu xusay war-saxaafadeedka qoraallo horay loo ansixiyay oo ku saabsanaa sidii dalka looga gudbin lahaa xilliga KMG ah.

"Waxaan si wadajir ah ugu digaynaa kooxaha qaswadayaasha ah kuwaasoo xilligan doonaya inay carqaladooda u isticmaalaan qaabab kala duwan balse aan laga yeelayn oo laga hortagayo. Toddobadyada soo socda waxaa la qaadayaa tallaabo cad oo wax looga qabanayo kooxahan qaswadayaasha ah." ayaa warka wadajira ah lagu yiri.

Ugu dambeyn, ururradan waxay kusoo gabgabeeyeen qoraalkooda inay door muhiim ah ka qaadan doonaan dadaallada lagu dhameystirayo Roadmap-ka ka hor 20-ka Ogoosto 2012.

Qoraalkan wadajirka ah ayaa waxaa ku saxiixnaa; ergayga xoghayaha guud ee UN-ka uga wakiilka ah Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga, wakiilka Midowga Afirka ee Soomaaliya, dajire Abubakar Diarra iyo mas'uulka IGAD u qaabilsan dib u heshiisiinta Soomaaliya, Kiprutu Arab Kirwa.

Warsaxaafadeedkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay soo kordhayaan dadka kasoo horjeeda dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo dowaldda KMG ah oo soo saartay war ay ugu digayso kuwa kasoo horjeeda ansixinta dastuurka sida khaldanna u fasiraya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya