4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Ururaddii siyaasadda Somaliland ee Qiimeynta ku hadhay oo dibadbaxyo sameeyay iyo Mas'uuliyiinta oo saacado kooban la xiray

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Ururaddii siyaasaddda Somaliland ee qiimeyntii ku hadhay oo maanta qorshaynayey inay mudaharaad balaadhan ka dhigaan magaalooyinka ayaanay u dhicin siday rabeen, maadaama oo awood ciidan loo adeegsaday, isla markaana goobihii ay filayeen in ay iskugu yimaadaan ciidamo badan la dhigay.

Gudoomiyeyaasha ururadda hadhay oo ilaa xalay waday abaabul isku soo bax, ayaa maanta qaarkood magaaladda Hargeysa lagu xidhay, masuuliyiinta la xidhayna waxa ka mid ahaa gudoomiyaha ururka NDB Foosiya Yuusuf X. Aadan, gudoomiyaha jamhuuriga Axmed Sandoon iyo qaar kale.

Mar aan isku dayey in aan ku soo booqdo saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa oo ay ku xidhnaayeen ayaanay ii suurtogalin ka dib markii Ciidamaddu diideen in la booqdo, iyadoo saldhiga ciidamo aad u badan la keenay.

Haseyeeshee, mar dhowayd duhurkii maanta ayaa la siidaayey masuuliyiintii xidhnaa, waxaana khadka Telefoonka oo aan kula xidhiidhay gudoomiyaha ururka NDB Foosiya Yuusuf X. Aadan, HOL u xaqiijisay in la siidaayey.

"saaka ayaa la iska kayo xidhay anagoo iska joogna suuqa, marka imika ayey na siidaayeen"ayey khadka Telefoonka HOL ugu xaqiijisay gudoomiyaha NDB foosiya in la siidaayey, iyadoo sheegtay in aad u mashquulsan tahay oo ay hawlo ku jirto, sidaa darteed ay hadhow ka hadli doonto arrintan.

Sidoo kale, waxa abaabul isku soo baxyo ah ka waday goboladda Saaxil iyo Togdheer gudoomiyaha ugu tunka weyn ururadda hadhay ee UDHIS Col:Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (DHego weyne) oo isagu shalay safar abaabul mudaharaad u tagay goboladaasi, isla markaana si weyn loogu soo dhoweeyey degmadda sheikh iyo magaaladda Burco, isagoo sheegay in aanu joojinayn isku soo baxyadda ay ku diidan yihiin go’aankaasi guddidda diiwaangelinta ka soo baxay.

Xukuumadda Somaliland oo iyana diirada ku haysa isku so baxyadan ayaa xalay ciidamo badan u dirtay magaaladda Berbera iyo Burco oo ay ka cabsiqabaan inay isku soo bax weyni ka dhaco magaalooyinkaasi, maadaama oo socod ku jooga madaxda Ururka UDHIS oo isagu balanqaaday in aanu awood kasta oo loo adeegsaddo u joojinayn xuquuqdiisa muwaadinimo ee isku soo bax.

Haseyeeshee, magaaladda Burco waxa xoog ku joojiyey ciidamaddda amniga, iyadoo xafiisyaddii ururka UDHIS ciidamo xoogan la keenay, balse magaaladda Berbera oo uu xalay guure ku yimid guddoomiyaha UDHIS iyo wefti uu hogaaminayo ayaa mudaharaad ka dhacay, halkaasi waxa hadalo kulkulul oo uu ku eedeynayo xukuumadda ka soo jeediyey gudoomiyaha Ururka UDHIS Ibraahim Dhegoweyne.

"waxaan u sheegayaa in dadkii aabayaashood iyo dadkoodii ku dhinteen kuna naafoobeen xoriyadda iyo caddaalad u dirirku aanay maanta aqbalaynin in la yidhaa ha mudaharaadina"ayuu yidhi gudoomiyaha UDHIS oo taageerayaashiisa la hadlayey.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in isku soo baxyaddu ay joogto noqon doonaan, isla markaaan gobolada kale ee Sanaag iyo Awdal iyo dhamaan goboladda kale uu ka bilaabi doono safarna ku tagi doonno.

Ururkan UDHIS ayaa waxa ku bahoobay qaar ka mid ah saraakiishii ciidamaddii jabhadda SNM, isagoo gudoomiyaha ururka Col:Dhegoweynana uu ahaa taliyihii ugu sareeyey ee watay ciidamadii jabhaddii ee soo gashay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera 31/May/1988kii, taasina waxay keentay inay xukuumaddu diiradda ku hayso dhaqdhaqaaqa UDHIS, iyadoo kala ilaalinaysa inay ciidamadda iyo gudoomiyihu isku dhacaan.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ururadda hadhay ayaa dagaal siyaasadeed oo horleh ka abuurtay Somaliland, iyagoo ururadda hadhay ay sheegeen in aanay joojinayn isku soo baxyadda ilaa madal loo dhan yahay loo cadeeyo sifaha ay ku hadheen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland