4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Afhayeenka Dowladda KMG Soomaaliya oo ku tilmaamay Qas-wadayaal dadka kasoo horjeeda dastuurka sheegay in tallaabo laga qaadi doono
Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Afhayeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ahna la-taliyaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Inj. C/ramxaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo si kulul uga jawaabay hadallo kasoo yeeray kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal kuwasoo uu sheegay inay maalmahan bulshada Muqdishu ku kiciyaan hab beel iyagoo si khalad ah ugu fasiraya qabyo-qoraalka-dastuurka.

Inj. Yarisow ayaa sheegay in dowladda KMG ah iyo beesha caalamka ay ka go'an tahay in kooxaha qas-wadayaasha ah ee sida bareerka ah uga soo horjeeda in laga gudbo xilliga KMG ah oo la helo isbedel dhab ah oo shacabka u keena horumar iyo maamul wanaag in lagu dari doono liiska qas-wadayaasha, taasoo keeni karta in lagu soo rogo cunno-qabateyn, isla markaana la hor-geeyo maxkamadda caalamiga ah.

"Beryahan waxaa Muqdisho isku abaabulayay kooxo doonaya in xaaladihii murugada lahaa ee laga soo gudbay ay shacabka Soomaaliyeed dib-ugu celiyaan iyadoo ay shacabku heleen amni iyo nabad, sidoo kalena ay dib-u-dhis xoog leh ka wadaan Muqdisho si ay u soo celiyaan bilicdii iyo rajadii caasimadda.

Afhayeenka xukuumadda KMG ah wuxuu sheegay in shacabku aysan diyaar u ahayn in dib loo noqdo dhibaatadii laga soo gudbay, isagoo ku eedeeyay in kooxaha kasoo horjeeda dastuurka ay diiddan yihiin isbedel iyo in la ansixiyo dastuurka sidoo kalena aysan doonayn in la helo dowlad rasmi ah oo ku dhaqanta shareecada Islaamka iyo maamul wanaag.

Inj. Yariisow wuxuu sheegay in 23-kii Febraayo ee sannadkan ay Hillary Clinton sheegtay in qas-wadayaasha isku-dayaya inay is-hortaagaan barnaamijka xilliga kala guurka ah in caalamku uu kusoo rogayo cunaqabateen, sidoo kale Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in badan ayay sheegeen buu yiri inaan marna la aqbali karin in kooxo ama shaqsiyaadka caqabadda ku noqda horumarka, nabadeynta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in kooxahan ay caadeysteen inay si khaldan u sharaxaan qabyo-qoraalka-dastuurka ayna ujeeddadoodu tahay inaan la ansixin dastuurka.

"Dastuurku waxuu ku ansixi karaa oo kaliya afdi dadweyne, shaqsi walbana wuxuu heli doonaa fursad uu ku sameeyo isbedel, ku daris iyo ka dhimis. kooxdan iyagoon akhrisan dastuurka ayay ayay ka been abuurayaan qodobbada arrimaha dastuurka sida jinsiyada iyo diinta. Qabyo-qoraalka dastuurka ayaa sheegaya dhanka jinsiyada sidan: (Shacbiga Soomaaliyeed waa mid lamana kala qeybin karo, waxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta. Jinsiyadd Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo. Qof leh jinisyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinisiyadiisa, xitaa hadduu qaato jinsiyad dal kale. Diidmada, laalista iyo ka qaadista jinsiyadda laguma xiri karo arrimo siyaasadeed," ayuu yiri Inj. Yariisow.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Dastuurku wuxuu dhina diinta ka yiri sidan: "Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), waxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada. Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah ummadaha Afrika iyo Carabta. Islaamka waa diinta dowladda. Diin aan ahayn diinta Islaamka laguma faafin karo dalka."

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in sababaha keenaya in kooxahan ay been-abuur cad ka sheegaan dastuurka ay tahay iyagoo diiddan in isbedel dhaco rabana inay sii-joogaan oo ay sidii hore Soomaaliya kusoo noqoto sida collaado, dagaallo iyo amni-darro waarta.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay sii xoojiyaan horumarka ballaaran ee dhan walba ah isla markaana lasoo afjaro xilliga kala guurka ah bisha Ogoosto si loo helo dowlad caadil ah oo karti iyo hufnaan leh, awoodna u leh inay dalka u horseeddo midnimo, walaaltinimo, horumar iyo barwaaqo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya