Jimco, March 23, 2012 (HOL) - Geerida ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku dhintay isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta ayaa si isku mid ah waxaa uga tacsiyeeyay madaxda Soomaalida.
Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay guddi qaran oo qabanqaabiya aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Waxaa la joojiyay dhammaan shaqadii ay hayeen shaqaalaha dawlada, waxaana hoos loo dhigay calanka Soomaaliya muddo 7 maalmood ah.
Idaacada iyo telefishinka qaranka ayaa laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa, waxaana la saaray aayadaha quraanka kariimka.
Garoowe
Madaxweynaha DG Puntland ee Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa tacsi u diray ehalada marxuumka, sheegayna in Garoowe ay noqon doonto meesha lagu aasayo maydka C/laahi Yuusuf.
Soomaali badan ayaa ka cabsi qaba in khilaaf uu ka dhasho halka lagu aasayo madaxweynihii hore, iyadoo dawlada KMG ahna ay qabanqaabinayso in aasku uu ka dhaco Muqdisho.
Warar hoose oo qoyskiisa laga helay ayaa iyaguna sheegaya in Gaalkacyo lagu aasi doono maydka.
Hergeysa
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida ku timid C/laahi Yuusuf oo in muddo ah ku xanuunsanaayay isbitaal ku yaalla Dubai.
Siilaanyo waxaa uu ku tilmaamay C/laahi Yuusuf nimey ahaayeen saaxiib wanaagsan, waxaana uu sheegay inuu ka murugooday dhimashadiisa.
C/laahi Yuusuf Axmed oo ku lug lahaa siyaasada Soomaaliya muddo ku dhow nus qarni, ayaa taageerayaashiisu ay ku ammaanaan inuu ahaa nin wadani ah oo la dagaallami jiray kooxaha xag jirka ah.
Dadka dhaliila siyaasadiisa ayaa iyaguna ku eedayn jiray inuu bilaabay dagaalka sokeeye dalkana soo galiyay ciidamada Itoobiya oo dawladiisa ka caawiyay inay afgambido midowgii maxaakiimta.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Soomaaliya oo la murugootay geerida C/laahi Yuusuf iyo calanka oo la dajiyay
More News
- Xukuumadda Soomaaliya oo wadda qorshe ay ku sugayso Ammaanka Muqdisho kaddib weerarro Ismiidaamin ah
- Qarax khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay Saldhigga Booliiska Degmada Xudur ee Gobolka Bakool
- Madaxweynaha Somaliland oo ka Tacsiyadeeyey Ciidanka Booliska Geeriddii ku Timid Taliyahooddii oo maanta Geeriyooday
- DUQA MUQDISHO: "Ciidammo Shisheeye iyo Madfac laguma xaqiijin karo ammaanka caasimadda Soomaaliya"
- Ra'iisul Waasaraha Somalia oo sheegay in Ciidamada AMISOM la geyn doono Gobollada Bay iyo Bakool
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta