Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay Khamiistii in ay waddo qorshe ay ku sugayso ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaddib weerarro uu dhiig badan ku daatay oo ay Al-shabaab ka dambeysay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, kaasoo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo isaga baxday Muqdisho sannadkii hore dhammaadkiisa, kadddib markii ay culeysyo milateri kala kulantay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa DKMG ah.
Saraakiil ka tirsan guddiga ammaanka Qaranka ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho ku yeesheen kulan ay uga hadleen sidii lagu joojin lahaa weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso caasimadda, kaasoo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Soomalaiya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenno ka hor ka dhacay weerarro hoobiyeyaal ah oo lala bartilmaameedsaday madaxtooyada taasoo ay ku dhinteen dad shacab ah, waxaana sheegatay mas'uuliyadda weerarradaas Al-shabaab.
Weerarradan ayaa waxay sababeen in madaxweynaha Soomaaliya uu markii ugu horreysay billaabo booqashooyin uu ku tagayo saldhigyo iyo degmooyin ka tirsan Muqdisho si uu u hubiyo habka loo sugayo ammaanka.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay Talaadadii lasoo dhaafay inay xoojinayso weerarrada ay ka geysanayso Muqdisho, gaar ahaan xarumaha dowladda iyo saldhigyada AMISOM, iyagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobahaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya