Ra'iisul Waasaraha Somalia oo sheegay in Ciidamada AMISOM la geyn doono Gobollada Bay iyo Bakool

Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM si dhaqo ah loo geyn doono gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna soo dhaweeyay la wareegista ay la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Mudane C/weli Gaas ayaa wuxuu sheegay in sababta loo geynayo ciidamada Midowga Afrika labadan gobol ay tahay sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka, sidoo kalena ay maamullada gobolladaas u gudan lahaayeen waajibaadkooda.

"Waxaan soo dhaweynaynaa qabsashada ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya qabsadeen degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

"Arrintan waxay caddeyn u tahay labo arrimood oo kala ah in DKMG ay ka go'an tahay inay gacanta ku dhigto dhammaan gobolada dalka iyo inay wiiqantay awooddii kooxda Al-shabaab ee ku xiran Al-Qaacida," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ayaa waxay shalay la wareegeen gacan ku haynta degmada Xudur oo 450-km galbeed kaga beegan Muqdisho, kaddib markii ay si iskood ah uga baxeen xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu u mahadceliyay ciidamada dalalka Itoobiya iyo Kenya oo uu sheegay inay caawinayaan ciidamada DKMG ah sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya