Madaxweynaha Somaliland oo ka Tacsiyadeeyey Ciidanka Booliska Geeriddii ku Timid Taliyahooddii oo maanta Geeriyooday

Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa Tacsi u diray ciidanka ammaanka Somaliland iyo ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay taliyihii ciidanka booliska Somaliland oo shalay subax ku geeriyooday magaalada Abu-Dabia ee dalka Imaaraadka Carabta.

"Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Ammaanka JSL, gaar ahaan Ciidanka Booliska JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska MARXUUM, GENERAL MAXAMED SAQADHI DUBAD oo ku geeriyooday ABU-DABAI, 22/03/2012, isagoo general-ku in muddo ahba halkaa u joogay Xaalad Caafimaad," ayaa lagu yidhi Qoraal Tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynah.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Amaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Jen. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa laba jeer Taliye usoo noqday Ciidanka Booliska Somaliland,waxaanu ahaa marxuun dadaal badan oo aan habeenkii Seexan, isagoo inta badana habeenkii lagu arki jiray dariiqyadda laamidda, isagoo gaadhi u gaar ah wata kaligii, isla markaana kormeer ku mari jiray Askarta habeenkii la dhigo Isgoysyadda wadooyinka oo lagu arki jiray isagoo kor meer ku jira, mararka qaarkood waxa lagu arki jiray isagoo kaalinta Ciidamadda Nabadgalyadda wadooyinka ku jira oo kala hagaya Gaadiidka xilliyadda duhurka ah ee waddooyinku xidhiidhiga noqdaan, waxaanu ahaa marxuum dadaal badan oo dhacdo kasta oo dhaca goob joog ah.

Alla ha u naxariistee Marxuunkan ayaa ahaa khabiir ciidamadda muddo dheer ku jiray, waxaanu jagooyin kala duwan ka soo qabtay ka hor burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, isagoo 1969 markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md:Cabdirashiid Cali Sharmaarke lagu Dilay Laascaanood ee gobolka Sool uu ahaa taliyihii gobolkaasi, waxaanu ilaa hadda ka hor inta aanu god-galin ku jiray ciidamadda Booliska oo uu dib u dhiskooda ka shaqaynayey, mudadii uu taliyaha ahaana waxa lagu xasuusan doonnaa horumarkii uu gaadhsiisay Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen: Saqadhe ayaa muddo dhawr bilood ah xanuunsanayey, waxaanu ku maqnaa dhakhtar dibadeed si loo daweeyo xanuunkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland