Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madfac la tuuro iyo ciidammo shisheeya aan lagu soo celin karin ammaanka Muqdisho, balse loo baahan yahay in bulshadu iska kaashato nabadda.
Duqa Muqdisho ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad isdhex-galka bulshada ah oo shalay lagu qabtay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, isagoo cambaareeyay falalka ammaan-darrada ee ka dhacaya Muqdisho.
"Al-shabaab horay ayay ugu baxay Muqdisho wayna ku jabtay, waxayna bilaabeen hadda in bambooyin ay ka dhex-tuuran magaalada, iyagoo doonaya inay niyadda ka jibaayaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Mudane Tarsan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay iska kaashadaan sidii ay nabaddooda u xaqiijin lahaayeen, ugana hortegi lahaayeen kuwa doonaya inay ammaanka carqaladeeyaan.
"Guryaha ay ku jiraan Al-shabaab waxaa lagu gartaa in cunto badan la galiyo, dadka galayana ay yar yihiin, habeenkii bas ayay soo baxaan masaska oo kale, haddaad aragtiin guri cunto badan la galinayo dadkiisna yar yihiin Al-shabaab baa ku jiree soo sheega," ayuu Tarsan ka sheegay xafladda.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa ku amaray guddoomiyaha gobolka Banaadir, ku xigeennadiisa, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada DKMG in la helo mas’uuliyiin la shaqeysa ciidamada oo xilliyada habeenkii soo-jeeda.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynaha ayaa waxay imaanayaan iyadoo habeennadii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhaceen duqeymo ay dad rayid ah wax ku noqdeen, inkastoo madaxweynuhu uu billaabay socod uu xilliga habeenkii ah ku marayo caasimadda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya