Qarax khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay Saldhigga Booliiska Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku dhintay qarax miino oo xalay ka dhacay gudaha saldhigga degmada Xudur oo ay la wareegeen shalay ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

Col. Maxamed Ibraahim Mayow oo ka mid ah saraakiisha booliiska degmada Xudur ee DKMG ah, ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino lagu aasay saldhigga, isagoo sheegay inaysan jirin cid kale oo wax ku noqotay qaraxaas oo lagu sii aasay halkaas.

"Qaraxa wuxuu ahaa mid ka dhashay miino lagu aasay saldhigga, wuxuuna ahaa mid meelaha fog-fog laga hago," ayuu yiri Col. Mayow. Sarkaalka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Caddoow.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Xudur ayaa waxay saxaafadda u sheegeen in qaraxii xalay dhacay uu ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay degmada oo dhan, mana jirin cid shacab ah oo wax ku noqday.

Dhinaca kale, wararka laga helayo degmada Xudur ayaa waxay sheegayaan in ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan degmadaas ay billaabeen inay baaris ku sameeyaan degmada oo laga shakisan yahay in miinooyin lagu aasay.

Xaaladda degmada Xudur ayaa deggen, mana jirto cid loo qabtay qaraxii miino ee lagu dilay sarkaalka ka tirsan cidamada booliiska gobolka Bakool. Iyadoo aysan jirin wax dagaallo ah oo ka dhacay degmada Xudur markii ay ciidamada isbahaysanaya la wareegayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya