Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka magaaladda Hargeysa ayaa iska fogeeyey eeddo uu usoo jeediyey guddoomiyaha urur Siyaasadeedka UMMADDA Dr:Maxamed Cabdi Gaboose, kaas oo uu ku dhaliilay dawladda Hoose qaabkii ay ula dhaqmeyn ganacsatadii yaryarayd ee wadooyinka hareerahoodda ku ganacsan jiray.
Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cigge (Ismaaciil Caymis) oo ka mid ah xildhibaanadda golaha Deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in eeddaha uu guddoomiyahaasi usoo jeediyey aanay waxba ka jirin, isla markaaana uu rabo oo kaliya inuu cod ku helo, haseyeeshee aanay run ka hayn hadalka guddoomiyaha ururka ka soo yeedhay.
"xiligii uu Wasiirka daakhiliga ahaa Gaboose (Guddoomiyaha ururka UMMADDA) Wuxuu danaynayay xoghayihii hore ee dawlada Hoose oo maalintii uu soo magacaabay anagoo shan xildhibaan ah aanu ku nidhi wada tashi ayaanu doonaynaa inaanu kaala yeelano xoghayaha, inta uu igu soo booday ayuu igu yidhi Xilahay ku furan inta aan anigu joogo wuu joogayaa ayuu igu yidhi, Xoghayihii uu magacaabay, markaasi ayaan ku idhi seedi nabad-gelyo haddii ay sidaasi tahay,"ayuu yidhi Ismaaciil Caymis oo ka tirsan golaha Deegaanka ee Hargeysa oo eeddo uu soo jeediyey guddoomiyaha ummadda.
"Wuxuu ku cel-celiyay Madaxweyne waxa soo socda intaasi oo qof oo la shaqo tiray, oo masaakiin ahaa, wuxuu iclaamiyay inuu qaban qaabinayo mudaharaad uu soo abaabulay oo uu ku kicinayo dadka. Waxaanu leenahay ka dawlad hoose ahaan wixii aanu ka qabanay bilicda waa la arkayaa dadkuna way noogu mahad naqayaan, dadka la rarayna waanu u diyaarinaynaa halkii la dejin lahaa ee ay ku ganacsan lahaayeen, waana aanu ka wada soconaa dawladda hoose, dawladda dhexe iyo dadweynaha meheradaha lehba. Waxaan idiin sheegaynaa inaanu halkan kula shiray intaan la rarin dadka guryaha suuqa waaheen leh oo aanu kala hadalnay arrintan."ayuu yidhi Ismaaciil Caymis oo ka hadlayey dadkii suuqa laga raray.
"Dr. Gaboose maanta waxaan ugu maahmaahayaa iska hadloow ina Egare, markaad wax sheegayo waxa haboon inaanay hadalkaagu noqon waxaan jirin. Waxaan leeyahay Dr. Gaboosoow walaaloow Hargeysi fidmo kaagama baahna, waxna kama samayn kartid. Waxaan leeyahay dhici mayso inaanu kuugu dul qaadano inaad mudaharaado abaabusho oo aad dadweynaha dawladda Hoose ku kiciso."ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Khamriile oo ka tirsan golaha Deegaanka Hargeysa
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaanno ay ka mid yihiin Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh), Xildhibaan Khadar Axmed Like, iyo Xildhibaan Maxamed Cali Khamriile, oo dhamaantood si wada jirra jawaab uga ka bixiyey dhaliilo uu guddoomiyaha ururka Ummaddu usoo jeediyey dawladda Hoose ee Hargeysa.
Si kastaba, ha ahaatee, hadalkan xildhibaannadda golaha Deegaanka Hargeysa ayaa jawaab u ah eeddo uu laba cisho ka hor usoo jeediyey Guddoomiyaha ururka UMMADDA ee Dr:Maxamed Cabdi Gaboose, kaas oo ku dhaliilay inay boqolaal qoys oo danyar ah shaqo la’aan ku dhacday ka dib markii hawlgalkii ay dawladda hoose ee Hargeysi ka waday magaaladda ku burburisay ganacsatadii yaryard ee suuqa ku ganacsan jiray.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland