Weerar geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Fiidnimadii xalay ayaa magaalada Beledweyne laga maqlay weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah iyo waliba rasaas, isla socta kadib markii kooxo hubeysan weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan.

Weerarka inta la og-yahay waxaa ku dhintay mid ka mid ah ciidamada maamulka,, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan.

Saraakiisha ayaa weerarkaa waxaa ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan xoogagga Al-shabaab, iyaga oo intaa ku darray in ay gacanta lagu hayo qaar ka mid ah kooxihii ku lugta lahaa weerarkaasi dhacay xalay.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii sanadkii hore laga saaray magaalada Beledweyne kooxda Al-shabaab waxaa jiray weeraro is daba joog ah oo ku qaadayeen ciidamada maamulka iyo kuwa Itoobiya, kuwaasoo qaarkood loo adeesanayay waxyaabaha qarxa.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka ayaa iyagu dhowr jeer oo hore ku cel celiyay in ay wax badan ka qaban doonaan amaanka magaalada, waxaana muuqaneysa in wali ay jiraan falal ka dhan ah nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya