Dagaal khasaare geystay oo Xalay Ciidamada DKMG ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Dharkeynley

Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeymo culus oo xalay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira laba qof oo shacab ah, kuwaasoo ay madaafiic kula dhacday goobaha lagu dagaalamayay, waxaana sidoo kale dadka dhaawacmay ku jiray saddex oo shacab ah.

"Madaafiic dhowr ah ayaa xaafadda Kaxda kusoo dhacay waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo shacab ah mana maqal wax dhimasho ah," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka Kaxda oo dagaalkii xalay uu saameyn xooggan ku yeeshay.

Dagaalkan ayaa qarxay markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday xaafadda Xoosh oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo saraakiil u hadlay ay sheegeen inay askar badan ku dileen dagaalkaas.

Sarkaalka hoggaaminaya ciidamada DKMG ah ee ku sugan degmada Dharkeynely oo lagu magacaabo Col. Cagey ayaa sheegay in ciidamadooda uu ka dhawaacmay hal sarkaal uuna aad u wanaagsan yahay.

Tirada dhimashada iyo midda dhaawac ee dagaalkii xalay ka dhashay ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay ilo ka madaxbannaan labada dhinac, iyadoo dhinacyadu ay ka gaabsadeen faahfaafhinta khasaaraha dhabta ah ee kasoo gaaray dagaalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya