Qaramada Midoobay ayaa bishii lasoo dhaafay ogolaatay in tirada ciidadamada AMISOM oo ahayd 12,000 oo askari la gaarsiiyo 17,731-askari, iyadoo howlgakooda lagu baahiyay Soomaaliya oo dhan.
"Howlgalkeenna Soomaaliya waa mid nabad dhalin ah. Sidaa daraadeed waxaan ku sugnaan doonnaa goobihii aan sannadkii hore soo galnay," ayuu yiri taliyaha ciidamada Kenya, Jen. Julius Karangi oo la hadlayya guddiga difaaca baarlamaanka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa waxay ciidammo kumannaan askari ah u soo dirtay Koonfurta Soomaaliya bishii Oktoobar sannadkii hore, waxaana tan iyo xilligaas ay dagaal kula jireen xoogagga Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka ahayd falal ka dhan ah ammaanka oo ka dhacay gudaha dalkeeda.
"Markii aan Soomaaliya galnay sannadkii hore, waxaan xilligaas tagnay deegaanno ku teedsan xeebta. Markaas ayaan codsannay inaan ka mid noqonno AMISOM, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikana way ogolaadeen," ayuu yiri Jen. Karangi.
Xukuumadda Kenya ma aysan caddeyn in tirada ciidamada ah ee ay AMISOM ku darayso ay yihiin kuwo hadda ku sugan Soomaaliya iyo inay yihiin kuwo cusub oo ay u dirayso.
Ugu dambeyn, Jen. Karangi wuxuu sheegay in ku xigeenka ciidamada AMISOM lagu kordhinayo sarkaal Kenyan ah halka ay hadda ka yihiin; taliyaha oo u dhashay dalka Uganda iyo ku xigeenkiisa oo kasoo jeeda Burundi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya