Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab gallinkii dambe ee shalay oo hadalkan lagu sheegay ayaa waxaa sidoo kale ay Al-shabaab sheegeen in eedeynta Kenya ee ku aaddan inay qaraxyadaas iyagu ka dambeeyeen ay tahay mid ay ku marin habaabinayaan shacabkooda.
Al-shabaab waxay sheegeen in qaraxyada ka dhacaya dalka Kenya ay caddeyn u tahay guuldarrada siyaasadeeda dibadda iyo howlgalka ay ka waddo Soomaaliya oo ay ku fashilantay.
Sidoo kale, Al-shabaab waxay sheegeen in qaraxyada ka dhacay dalka Kenya ay mas'uul ka yihiin madaxda dalkaas, sidoo kalena aysan eeganayn iyagu dhibka ay ku hayaan walaalahooda muslimiinta ah ee Kenya ku nool iyo kuwa Soomaaliyeed.
Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay qaraxyadii ka dhacay Nairobi oo ay ku dhinteen toddoba qof ayna ku dhaawacmeen 60-qof oo kale Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya oo dhawaan ku biiray Al-Qaacida.
Xarakada Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay weerarro ka geysan doonaan dalka Kenya, taasoo ay sheegeen haddii ay ciidamadeeda ka saari waydo dalka Soomaaliya, iyagoo hadalkoodan kusoo gabgabeeyay inay qaraxyadu kusii kordhi doonaan waddooyinka Nairobi haddii aysan Kenya ciidamadeeda la bixin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya