ABUU-MANSUUR: "Shacabka Bay iyo Bakool waa inay u diyaargaroobaan ka qaybqaataan dagaal lagu qabsanayo Baydhabo"

Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-shabaab ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Bay iyo Bakool inay isku diyaariyaan ka qaybqaadashada dagaal ay doonayaan inay ku qabsadaan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Afhayeenkii hore ee Al-shabaab ayaa hadalkan ka sheegay degmada Xudur oo ay kusoo bandhigeen laba qof oo ay sheegeen inay ahaayeen askar Itoobiyaan ah oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay deegaanka Yurkud oo kala qaybiya gobollada Bay iyo Gedo.

"Dadka ku nool gobollada Bay iyo Bakool waxaa laga doonayaa inay ka qaybqaataan dagaal lagu doonayo in lagu qabsado Baydhabo," ayuu yiri Sheekh Abuu-Mansuur oo ku ammaanay dadka gobolladaas ku nool inay taageeraan Al-shabaab.

Sheekh Abuu-Mansuur wuxuu sheegay in dagaalkii ka dhacay Yurkud ay ku dileen askar badan oo Itoobiyaan ah ayna ku furteen hub badan, isagoo xusay inay qayb ka qaateen dadka ku nool gobollada Bay iyo Bakool, lana doonayo inay sidoo kale uga qaybqataan dagaalka Baydhabo ay ku qaadayaan.

Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa si nabadgalyo ah looga qabsaday Al-shabaab dhammaadkii bishii hore, waxaana ku sugan ciidammo Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah oo isgarabsanaya.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in Al-shabaab aysan awood u lahayn inay qabsato Baydhabo, isagoo xusay in dhankooda ay u qabanayaan hoggaamiyeyaasha iyo ciidamada Al-shabaab inay isku soo dhiibaan haddii kale ay dagaallo culus la kulmi doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya