4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha DKMG Somalia oo sheegay in Ammaanka Muqdisho la adkeynayo inta ay shirarku socdaan
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in la adkeyn doono ammaanka guud ee Muqdisho inta ay socdaan shirarka lagu soo xulayo xildhibaannada iyo midka lagu ansixinayo dastuurka oo berri furmi doona.

C/samad Macallin Maxamuud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidammo isugu jira Soomaali iyo kuwa AMISOM ay ammaanka goobaha lagu shirayo adkeyn doonaan, isagoo sheegay in diyaargarowgooda ay soo gaba-gabeeyeen.

"Waxaa la diyaariyay qaabkii loo sugi lahaa ammaanka goobaha shirku ka dhacayo, sidoo kale, waxaa la diyaariyay sugidda ammaanka guud ee Muqdisho, sababaha uu shirka dib ugu dhacayayna ma ahan arrin ku saabsan ammaanka," ayuu yiri C/samad Macallin.

Horay ayay wasaaradda arrimaha gudaha DKMG u sheegay in si KMG ah loo xirayo jidadka Muqdisho qaarkood, taasoo qayb ka ah sida ay sheegtay xaqiijinta amniga goobta uu shirku ka dhacayo oo ah dugsigii tababarka booliiska ee Muqdisho.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in 52 isgoys oo ku yaalla Muqdisho la dhigay ciidammo fara badan kuwaasoo adkeyn doona ammaanka si aysan u dhicin falal ammaan-darro inta uu shirku socdo.

"Ciidamada la dhigay isgoysyada Muqdisho waxay sameyn doonaan roondooyin, si ay uga hortagaan in falal ammaan-darro ay dhacaan, runtiina ammaanka guud ee caasimadda Muqdisho waa mid wanaagsan," ayuu yiri Col. Maalin.

Hadallada kasoo kala baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo taliska ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in berri uu Muqdisho ka furmo shir lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya