4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Qarax khasaare geystay oo Ciidamada DKMG ah lagu beegsaday Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Qarax khasaare geystay ayaa ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah lagula eegtay maanta oo Talaado ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe oo 30-km waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab dhammaadkii bishii hore.

Goobjoogayaal ku sugan degmadaas ayaa sheegay inay arkeen dhaawacyada saddex ka mid ah ciidamada dowladda oo laga qaadayo halkii qaraxa lagula eegtay, iyadoo goobjoogayaashu ay sheegeen inay jirto dhimasho balse aysan sheegi karin cadadkooda.

"Waxaan arkay dhaawacyada saddex askari oo qaraxa wax ku noqday, dhimasho way jirtaa balse ma sheegi karo cadadka," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Sidoo kale, goobjoogahan oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay xaaladdu tahay mid cakiran ciidamaduna ay rasaas ridayaan, ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay qaraxaas.

Qaraxan ayaa ahaa mid ka dhashay miinooyinka meelaha fog laga hago, iyadoo weli aysan ka haldin maamulka degmada Balcad ee dowladda KMG ah qaraxa khasaaraha u geystay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax lala beegsado ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan degmada Balcad, sidoo kale degmadaas waxaa ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM, iyadoo aan la sheegin khasaare kasoo gaaray qaraxii maanta dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya