4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Dagaal u dhexeeya Ciidamada DKMG ah, kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Al-shabaab oo xalay ka dhacay Gobolka Gedo

Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Gedo.

Mas'uulka dhinaca gaashaandhigga u qaabilsan Ahlusunna oo magaciisa lagu soo koobay Isaaq ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay markii dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ay weerareen gaadiid ay ciidamadoodu wateen.

"Dagaalku wuxuu ahaa mid muddo kooban socday, waxaana halkaas ku dilnay laba ka mid ah xoogaggii Al-shabaab, innagana waxaa nooga dhintay hal askari," ayuu yiri Isaaq oo sheegay in goobtii lagu dagaalamay ay iyagu gacanta ku hayaan.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inay dagaalkaas ku dileen askar badan oo dowladda iyo Ahlusunna ka tirsan, inkastoo aysan jirin warar ka madaxbannaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee dagaalladu geysteen.

Gobolka Gedo oo ku yaalla Koonfurta fog ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayay dagaallo toddobaadyadii u dhexeeyay, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Kenya iyo Itoobiya ayaa waxay tan iyo sannadkan dadaal ugu jireen sidii ay ku gaari lahaayeen degmooyinka ay weli Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Gedo oo kala ah Baardheere iyo Buurdhuubo.

Xarakada Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa inta badan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay iska difaacayso dagaallo walba oo kaga yimaada dhinaca dowladda iyo ciidamada caawinaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya