4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Xarakada Islaax oo Masuuliyiin ka tirsanaa ka qaatay Xubinimaddii Xarakada

Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Xarakadda Al- Islaax  ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ee Somaliland xilkii ugu qaaday xubno ka tirsanaa Xarrkada oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka ahaayeen tafaraaruqa ku yimid xarakadooda.

Xarakadda islaamiga ah ee geeska Afrika ee Islaax oo bahwadaag la ah ururka Ikhwaanu muslimiin ayaa saddex xubnood oo ka mid ah masuuliyiintii ururkoodan xubinimadii iyo masuuliyaddii ay ururkooda ka hayeen ka qaaday, waxaanay ku eedeeyeen inay saddexdaas masuul ahaayeen ragga kala qaybiyey, khilaaf ururkoodda ka jirana masuulka ka ahaa.

Sh. Maxamed Axmed Nuur ( Maxamed Gadhyare) oo ka mid ah aasaasayaashii xarakadan Islaax ee Soomaaliya ayaa ka war bixiyey sababta xubnahan uga saareen xarakadoodda iyo mustaqbalka ururkooda, " asbaabka nin waliba xarakadda maamulkeedda looga fogeeyey way cadahay, haddii aan u horaysiiyo Dr: Cali Baashe maamulkii xarakadda ee uu hayey oo loogu tallogalay waxyaalo xarakadda hayey inuu talaabo ka qaaddo oo uu isku soo jiid jiido, wuu ku fashilay waxaanu noqday cunsur isaga laftiisa kala fogeynta, tafaraaruqa iyo mushaakilka ka qaybgalla, inta xarakadda uu dhex dhexaad ka ahaan lahaa uu kooxda xarakaddu wax ka sheeganayso ee xarakadda af duubtay ayuu calanka u qaaday,marka waajibkiisii wuu ku fashilmay, wax alla wixii qaraar ahaa ee xarakaddu rabtay sidii loogu tallogalay in loo fuliyeyna wuu ka cago taagay oo wuu ka meermeeray".

Waxaanu intaas ku daray " Dr: Cali Sh. Axmed isaga tuhunadiisu intaas way ka sii weyn tahay oo waxa cad in lagu tuhmayo inuu calaaqaad la leeyahay jihooyin kale oo xidhiidh sira oo aanay xarkaadu ka war qabin isaga iyo inyar oo ka war qaba mooyee"ayuu yidhi isagoo wax faahfaahin ah bixin tuhunaddu waxay yihiin, waxayse uu ku koobay inay xarakadda ku kooban tahay oo khatar galisay.

"Mustafe Cabdilaahi Cali waxa uu wakiil ka yahay koonfurta Somalia, meesha mashaakilka ugu badan ee xarakadu ka burburtay, ee khilaafaadku ka dhaceen oo xarakaddii qaybo ka mid ah laga saaray, qaarna iska cararayn, ayuu ka masuul yahay, dhibaatada waxay tahay habka uu xarakadda u maamulo, ninkaasi xarakadda fidmo ayuu kula jiray, wixii mushaakil ah ee xarakadda ka dhex dhacay gacanta fulisaa isaga weeyi"ayuu ku eedeeyey masuulka saddexaad ee ay xilka ka qaadeen.

"waxaan aad iyo aad uga xumahay oo ummadda soomaaliyeed u sheegayaa in xarakadii islaax ay arrintani murkacasho tahay ee aanay jab ahayn, wax weyn maaha oo faras waliba marbuu kufaa oo uu kacaa, inaan maanta khilaaf ka hadalno oo qaybo ka mid ah ka erino aad baan uga xunahay, laakiin waxa la yidhi mararka qaarkood waxaanad jecleyn baa laguugu kalifaa, khilaafna sidiisa ayuunbaanu u fiicnayn, oo ummadda islaamka uma fiicnaa, laakiin bani’aadan baanu nahay" ayuu ku soo xidhay sheikh Maxamed Gadhyare oo ka hadlayey arrimo soo darsay xarakadda Islaax-da Somalia oo warbaahinta la hadlayey.

Sh. Maxamed Axmed Nuur Gadhyare oo ah aasaasihii ururkan Islaax-da Qaybteedda Soomaaliya, ayaa madax looga sii dhigay xarakadda, waxaanu sheegay in shirweyne iskugu iman doonaan dhamaan xubnaha Islaax-da Somalia.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland