4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Ururka Islaax oo soo saaray Bayaan uu kaga jawaabayo hadalkii kasoo baxay Sheekh Maxamed Axmed Nuur (Garyare)

Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Ururka Islaax ayaa soo saaray maanta bayaan uu kaga jawaabayay hadal uu ku sheegay Sheekh Maxamed Axmed Nuur (Garyare) inuu xilka uga qaaday guddoomiyaha ururkaas iyo xubno kale oo uu ku eedeeyay in waddadii ay ka weeciyeen howlaha ururka.

Bayaanka oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Xarakada Cali Baashir Cumar Xaaji ayaa lagu sheegay in Ururka Islaax uu leeyahay hoggaan maamul iyo shuruuc hagta howlihiisa iyo xubihiisa, taasoo ay sheegeen inay suurogelisay inuu ururku noqdo mid caan-baxay kala dambeyn iyo waxqabad 34-kii sano ee uu jiray.

Sidoo kale, bayaanka kasoo baxay Islaax waxaa lagu sheegay inay jiraan shaqsiyaad la falgeli waayay nidaamka ururka kana haray, inkastoo aysan sheegin magacyada shakhsiyaadkaas.

"Waxaa layaab ku noqotay dhammaan xubnaha ururka iyo maamulladiisa kala duwan wargeysigii uu laanta afka Soomaaliga ee BBC-da siiyay Sheekh Maxamed Axmed Nuur taariikhdu markay ahayd 23-kii Luuliyo 2012; kuna sheegay inuu kala diray mas'uuliyiinta iyo golayaasha ururka, isaguna iskiis isugu magacaabay inuu yahay madaxa KMG ah ee ururka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Islaax.

Dhanka kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in ururku uu u caddeynayo dhammaan xubnihiisa iyo bulsho-weynta Soomaaliyeed qodobbada soo socda:

  1. In Sheekh Maxamed Axmed Nuur uusan ahayn afhayeenka ururka, wax xil ahna uusan ka hayn. Hayeesheen waa xubin xarakada ka tirsan oo 22-sano ku nool dalka dibaddiisa, si dhab ahna aan uga warhayn xalaadda ururka.
  2. Warka uu BBC-da ka sheegayna uusan lahayn sal iyo raad, xaqna uusan u lahayn inuu ku hadlo magaca ururka.
  3. Ururku wuxuu leeyahay mas'uuliyiin iyo golayaal go'aamiya siyaasaddiisa iyo arrimihiisa kala duwan.
  4. Ururku wuxuu leeyahay dastuur iyo xeerar nidaamiya sida lagu qato xilalka iyo sida lagu waayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya