Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa jira cabasho ay jeedinayaan dadka danyarta ee ku jira xeryahay barakacayaasha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dadkan oo u badan qoysas ka kooban, haween, caruur, iyo dad weyneel ah waxaa ay ku nool yihiin xeryo ay ka dhax sameyteen guryo cooshado ah oo leysku kab-kabay, waxaana ay sheegeen in ay la soo daristay xaalad nolaleed oo aad u dhibadan.
Gaar ahaan waxaa ay ku baqaayaan in la soo kaalmeeyo inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadaan, madaama ay u baahan yihiin sida ay sheegeen wax ay ku afuraan mudada 30ka, casho ah oo ay Sooman yihiin.
"Marar badan sidan oo kale codsiyo waan jeedinay, laakiin cid nooga soo jawaabtay malaha, hadda waxaa noogu darran Ramadaanka, waayo dad Muslimiin ah ayeeynu nahay, waxaan u baahannahay wax aynu ku afurno ama ku saxuurano, waayo haddii aynaan helin intaa weyn nagu adkaa doontaa in aan gudana waajibaadka naga saaran bisha," ayeey tiri Xaliimo Muuse oo ka mid ah dadka ka cabanaya xaaladaha nolaleed ee la soo darrsay.
Maamlka gobollka Hiiraan, hay’addaha samafalka, iyo ganacsatada intaba ayeey ka codsadeen in il naxiis leh lagu soo eego waqtigan adag oo ay ku soo gashay bisha Ramadaan.
Cabashadan ay wali jeedinayaan qoysaska ku jira xeryaha barakacayaasha ee ka dhisan magaalada Baladweyne ayaa timid xili guddoomiyaha degmada Baladweyne Xusseen Ibraahim Cabdi (Gurey) dhawaan ugu baaqay hay’addaha samafalka in ay si sharuud la’aan ah u gargaar dadka dhibaateysan.
Dhinaca kalana waxaad moodaa in uu hakad ku yimid gargaar maalmihii ugu danbeeyayba ay ka waday qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne hay’adda ICRC oo la oran karo waxaa la joogaan waqtigii ay dadku uga baahida badnaayeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Qoysas danta yar ee ku nool Magaalada Baladweyne oo mar kale codsanaya in la soo kaalmeeyo bishan Ramadaan
More News
- Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo wefdi uu horkacayo oo galabta Garoowe soo gaarey (SAWIRRO)
- Wasiirka Arrimaha Gudaha DKMG Somalia oo sheegay in Ammaanka Muqdisho la adkeynayo inta ay shirarku socdaan
- Majmaca Culummada Soomaaliyeed oo sheegay inay abaabulayaan dibadbax looga horjeedo Dastuurka Cusub
- Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka Warbixiyay Waxqabadkiisii iyadoo lagu wado inuu maalmahan soo socda wareejiyo xilka
- Qarax khasaare geystay oo Ciidamada DKMG ah lagu beegsaday Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu ku kalsoon yahay in mar kale loo doorto xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Ururka Islaax oo soo saaray Bayaan uu kaga jawaabayo hadalkii kasoo baxay Sheekh Maxamed Axmed Nuur (Garyare)
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada DKMG ah, kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Al-shabaab oo xalay ka dhacay Gobolka Gedo
- AMISOM oo sheegtay inay diyaarisay ciidammo sugaya amniga goobta uu ka dhacayo Shirka Ansixinta Dastuurka
- Hoggaamiyaha SSC oo sheegay in loo baahan yahay Nabadda iyo Madaxweynayaasha Khaatumo oo xilkii la kala wareegay
- Xaaladda Nolol Xumo oo laga soo sheegayo deegaanno ku yaalla Galbeedka Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya
- Xarakada Islaax oo Masuuliyiin ka tirsanaa ka qaatay Xubinimaddii Xarakada