Jimco, Jannaayo 06, 2012 (HOL) − Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay walxo qaraxa ku qabteen xerada Dhadhaab ee dalka Kenya gallinkii dambe ee shalay, kaddib markii uu qarax aan waxyeello geysan ka dhacay xeradaas.
Saraakiil u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in walxaha qaraxa ay ka heleen guri ku yaalla xeradaas iyadoo ninkii farsameynayay qaraxyada uu baxsaday, balse ay qabteen xaaskiisa oo guriga ku sugnayd.
Guddoomiyaha gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, James Olen Seriena oo la hadlya warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sida xeryaha qoxootiga lagu keenay waxyaabahan qarxa.
"Walxaha qaraxa ee la qabtay waxay isugu jiraan qalab la isku cufay iyo mobillo la doonayay in lagu qarxiyo, waana arrin aad nooga yaabisay," ayuu guddoomiyaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.
Qaraxii ka dhacay xerada ayaan geysan wax khasaare ah, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo xeryaha qoxootiga ay bishii lasoo dhaafay ka dhaceen dhowr qarax oo waxyeello dhimasho iyo dhaawac ah ay ka gaartay ciidamada ammaanka dalka Kenya.
Xerada IFO ayaa waxaa ku jira qoxooti Soomaaliyeed oo fara badan waana xeradii ugu horreysay oo la aasaaso deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku yaallaan saddex xero qoxooti oo ay ka mid yihiin Dhagaxley iyo Xagar-dheere.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya