Jimco, Jannaayo 06, 2012 (HOL) − Diyaaradaha dagaal ee dowladda Kenya ayaa duqeyn xooggan shalay gelinkii danbe ka geystay deegaanka Kudhaa ee gobbalka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro badan oo soo gaaray dad rayid ah.
Ku dhowaad illaa sideed qof ayaa la sheegay in ay dhaawacyo xooggan kasoo gaareen duqeytii shalay, iyadoona laba kamid ah ay xaaladoodu tahay mid halis ah.
"Diyaaradaha wax duqeeyay waxay ahaayeen sedex Helicopter, dhowr gantaal ayayna deegaanka kusoo tuureen, gantaalladii ay ridayeen waxay ku dhaceen meel dhuxusha lagu uruuriyo oo ku taal jaziiradda geeskeeda, waxaana ku dhaawacmay sideed qof oo dad xamaalato ah," ayuu yiri goobjooge ku sugan Kudhaa oo HOL u waramayay.
Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay duqeynta ayaa loola cararay dhanka magaalada Kismaayo ee xaurnta gobolka J/hoose, waxaana aad looga deyrinayaa nolosha dadka ay dhaawacyada kasoo gaareen duqeynta.
Diyaaradaha wax duqeeyay ayaa loo maleynayaa in ay leedahay dowladda Kenya, wallow aysan jirin masuuliyiiin katirsan dowladda Kenya oo ka hadashay duqeyntii shalay ka dhacday Jaziiradda Kudhaa ee gobolka J/hoose.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan Jaziiradda Kudhaa, haseyeeshee waxa jirtay duqeymo kuwan lamid ah oo ay hore uga geysteen halkaasi, wallow duqeyntii shalay ay ahayd tii ugu qasaaraha badnayd ee ka dhacay Jaziiradda Kudhaa ee ku taal koonfur galbeedka gobolka J/hoose.
Dhanka kale, wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale ay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen duqeyn culus, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya