Jimco, Jannaayo 06, 2012 (HOL) − Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib markii ay saakay ka dhoofeen Muqdisho.
Wafdigan oo ay ka mid yihiin: wasiirka gaanshaandhigga, wasiirka warfaafinta, wasiirka shidaalka, taliyaha milateriga Soomaaliya iyo xildhibaanno ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baladweyne saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa maamulka dooxada Shabeelle.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafigiisa ayaa lagu wadaa inay booqdaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa la socda oo horraantii todobaadkan kula wareegay magaaladaas dagaal ay la galeen Xarakada Al-shabaab oo ka talin jirtay.
Waxaa lagu wadaa in Dr C/weli Gaas iyo wafdigiisu ay u kuurgalaan xaaladda hadda ka jirta Baladweyne iyagoo la kulmi doona inta ay safarka ku joogaan degmadaas saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxay tegi doonaan xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ay ku nool yihiin.
Inkastoo aan la sheegin inta ay qaadan doonto booqashada wafdigan ayaa waxaa haddana ay noqonayaa wafdigii ugu sarreeya ee ka socda dowladda KMG ah oo booqasho ku taga degmo ku taalla bartamaha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya