Danjira Augutine Mahiga oo ugu baaqay Xidhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya inay khilaafkooda dhaqso u xalliyaan

Jimco, Jannaayo 06, 2012 (HOL) − Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Phillip Mahiga ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay khilaafka u dhexeeya xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sii socda.

Danjira Mahiga, wuxuu ugu baaqay dhinacyada baarlamaanka ee muransan inay ku xalliyaan khilaafkooda si nabad ah iyagoo u maraya dastuurka dalka u dagsan iyo xeerarka baarlamaanka u dagsan.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in gacan ka hadalkii ka dhacayay maalmihii lasoo dhaafay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ay tahay mid aan la aqbali karin. Isagoo intaas ku daray in rabshaduhu ay carqaladeynayaan howlahooda. wuxuuna u rajeeyay xildhibaanadii ku dhaawacmay gacan ka hadalladaas caafimaad deg-deg ah.

"Isku-dhacyadan waxay kusoo beegmeen xilli xun," ayuu yiri danjire Mahiga, oo intaas ku daray in Soomaaliya ay haysato fursaddii ugu wanaagsanayd muddo 21-sano ah oo aan loo baahanyn in la carqaladeeyo.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in xafiiska UNPOS uu gacan ka siinayo madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed sidii uu xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya xildhibaannada baarlamaanka, isagoo qaybaha kale ee dowladda ugu baaqay inay qayb ka qaataan xal raadinta.

Ergaygu wuxuu ugu baaqay xildhibaannada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii lagu hirgelin lahaa heshiiska tubta nabadda ee Roadmap-ka, kaasoo dhameystiraya qaabka KMG ah ee ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la ciqaabo xildhibaannadii abuuray rabshadda ka oogan baarlamankaa Soomaaliya, balse ma jirto koox gaar ah oo uu carrabka ku dhuftay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya