Jimco, Jannaayo 06, 2012 (HOL) − Ugu yaraan saddex qof oo ka mid ah ciidamadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo xoogagga Al-shabaab inta u dhexeysa Sar-kuusta iyo taliskii ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo Koonfur kaga beegan Koonfurta Muqdisho.
Dagaalka oo ahaa mid culus oo ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus ayaa wuxuu qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin isgoyska ex-koontarool Afgooye iyo xerada asluubta.
Saraakiil labada dhinac u kala hadlay ayaa mid walba wuxuu sheegtay inuu dhinaca kale ka dilay ciidamo badan, iyagoo intaas ku daray inaysan jirin wax khasaare ah oo ciidamadooda soo gaaray.
"Dagaalku wuxuu ahaa mid culus waxaana nagu soo qaaday Al-shabaab, waan iska difaacnay," ayuu yiri taliyaha ciidamada ku sugan ex-koontarool Afgooye oo lagu magacaabo Axmed C/llaahi.
Huguna madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta dagaalka loo adeegsanayay ayaa laga maqlayay daafaha Muqdisho iyo duleedyada oo ay daggan yihiin dad badan oo barakacayaal ah, inkastoo xaaladdu ay saakay ahayd mid daggan.
Ciidamada AMISOM oo dowladda KMG Soomaaliya ka taageera dhinaca dagaallada ayaan ka qaybgelin dagaalkii xalay, waxaana halka lagu dagaalamay ku yaalla jidka keliya ee isku xira gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya