Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa Dalka Kenya oo la wareegay Deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo

Jimco, Jannaayo 06, 2012 (HOL) − Wararka aynu saaka ka heleyno deegaanka Ceelcade ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG iyo kuw Kenya ay saaka gacanta ku dhigeen deegaanka Ceelcade oo mudooyinkii danbe fariisin u ahayd xoogaga Alshabaab ee gobolka Gedo.

Dagaalyahannada Alshabaab ayaa la sheegay in ay deegaanka isaga baxeen iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah, haseyeeshee waxa jiray duqeymo xoogan oo diyaaradaha Kenya ay xalay ilaa shalay gelinkii dnabe ka geysteen deegaankaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Max’ed Cabdi Kaliil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Ceelcade kadib markii ay ka baxeen xoogaga Alshabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay haatan ku wajahanyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, isagoona xusay in qorshaha dowladda KMG uu yahay sidii xoogaga Alshabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya.

Xaaladda gobolka Gedo ayaa saaka aad u kacsan, iyadoona xarakada Alshabaab ay abaabullo ciidan ka wado magaalada Baardheere iyo deegaano ku dhow dhow.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya