
Xildhibaan Yuusuf Xasan (Bidix) iyo Danjire Maxamed Cali Ameerika
Isniin, February 06, 2012(HOL): Xildhibaanka deegaanka Kamakunji Yuusuf Xassan ayaa booqday safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi, isla markaana kulan ay albaabadu u xiranyihiin la qaatay safiirka Soomaalida Maxamed Cali Nuur Ameeriko.
Waxaana kulankooda kadib ay qabteen shir jaraa'id oo ay kaga hadleen waxyaabihii ay ka wada hadleen intii uu kulankoodu socday.
Xildhibaan Yuusuf Xassan ayaa sheegay inuu safiirka uu kala hadlay sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen horumarka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, gaar ahaana kuwa ku nool xaafada Islii oo kamid ah deegaanka Kamakunji ee laga soo doortay Xildhibaanka.
Yuusuf Xassan waxaa uu sheegay in horumar ballaaran uu ka socdo xaafada Islii halkaas oo ay ku noolyihiin kumanaan Soomaali ah oo isugu jira kuwo Kenyaan ah iyo kuwa ka yimid Jamhuurida Soomaaliya.
Waxaana uu tilmaamay in safaarada Soomaalidu ay kaalin wayn ka ciyaari karto horumarka ka socda xaafada uuna ugu baaqayo inay xafiis ka furato Islii.
Dhankiisa ayuu Danjiraha Soomaaliya Maxamed Cali Nuur ugu hambalyeeyay Yuusuf Xassan waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay.
Waxaana uu ugu baaqay Soomaalida inay ilaaliyaan sharciyada dalka Kenya ee ay martida u yihiin, isla markaana ay la shaqeeyaan xildhibaan Yuusuf Xassan.
Cali Ameeriko ayaa ka dalbaday dadka Soomaaliyeed inay joojiyaan lacagaha laaluushka ah ee ay siiyaan askarta ayna la soo xiriiraan safaarada amaba xildhibaan Yuusuf Xassan hadii ay la kulmaan dhibaatooyin noocaas ah.
Waxaana kulankii dhex maray labada masuul uu faa'iido u yahay Soomaalida ku dhaqan Kenya, hadii ay ka dhabeeyaan ballanqaadyada ay sameeyeen ee ay ku sheegeen inay si wada jir ah uga shaqayn doonaan midnimida iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed ee reer Kenya.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya