
Isniin, Feberaayo 06, 2012 (HOL) − Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya oo u dabaal-degaya sanad-guuradii 31-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ayaa gargaar kala duwan u fidiyay barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho qaarkood gargaar isugu jira, biyo la cabo, dawooyin iyo maryaha-kaneecada laga hoos-galo.
Tarehe Sita oo loo yaqaano lixda bisha Feberaayo 1981-kii oo loo dabaal-degayo weerarkii ugu horeeyay ciidamada dowladda uu hogaaminayay Yoweri Museveni ay ku qaadeen ciidamada iska caabinta ee Qaranka (NRA) kaasoo sababay xoreynta Uganda 26-kii January 1986.
"Sanadkan, hawlaha ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya ay qabaneyso ayaa muhiim ka dhigaya cinwaanka ah "midnimada gobolka dhinaca ammaanka si loo helo horumarka iyo xasiloonida gobolka," ayuu yiri Paul Lokech oo ah taliyaha ciidanka Uganda.
Mr. Lokech oo ka hadlayay kaam lagu magacaabo Neero oo ka mid ah kaamamkii ay gargaarka ka bixiyeen ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay ka go'an tahay inay xasillooni ku soo celiyaan dalka Soomaaliya oo dhan.
"Innagoo dabaaldag ku jirna, AMISOM waxay u muujineysaa ciidamada DKMG ah muhimadda ay leedahay in xoogga la saaro ilaalinta iyo helidda ammaanka shacabka Soomaaliyeed. Taasi ayaa xudun u ah kasbashada taageerada dadka ay Al-shabab dhufsanayso," ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Sarkaalka ciidamada rayidka ah ee AMISOM, Col. Katwekyeire Kamurari ayaa xusay in ciidamada AMISOM ay qaybiyeen 2000 oo maro-kaneeco ah iyo 100,000 oo liitar oo biyo la cabo ah. AMISOM waxay kaloo sameysay daaweyn guud oo ay u fidiyeen dadka ku jiray xerooyinka. Sidoo kale waxay qaybiyeen cunno nafaqo leh taasoo ay siiyeen caruurta da’adooda ay ka yar tahay shan jirka.
"Hawlaha nocaan ah waxay ka saacidayaan AMISOM inay cusbooneysiiso xiriirka ay la leedahay ummadda Soomaaliyeed," ayuu yiri Col. Kamurari. Isagoo hadalkiisa ku daray: "Waxaan u mahadcelin u jeedinaynaa ciidamada Uganda sida ay hormuudka u noqdeen, isla markaana waxaan ka codsanaynaa ciidamada DKMG inay qaataan dhaqankaas si ay u kordhiyaan xiriirka ay la leeyihiin dadka Soomaaliyeed."
Ciidamada AMISOM oo tiradoodu tahay 10,000 oo askari oo ka socda dalalka Burundi, Jabuuti iyo Uganda ayaa waxay Uganda ahayd dowladdii ugu horreysay ee billowda howlgalka iyagoo Muqdisho ka howlbillaabay bishii Maarso sannadkii 2007.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya