Isniin, Feberaayo 06, 2012 (HOL) − Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wadda maalintii saddexaad howlgallo ay guryaha uga saarayso dadka shacabka ah ee ku noolaa xarumaha dowladda, iyadoo aanay jirin goobo dadkaas loo diyaariyay oo la dajinayo.
Waxaa dowladda maanta ay la wareegtay dhismaha bacadlihii Xamarweyne oo ay 21-kii sano ee uu burburku jiray ay daganaayeen qoysas Soomaaliyeed, iyadoo ay ka mid ahayd goobahaan goobihii amarka lagu bixiyay in dadku ka guuraan.
Madaxda DKMG ah ayaa waxay tageen halkaas, iyadoo sidoo kalena lagu wado inay maanta ka baxaan dadku iskuulkii hoose, dhexe iyo sare ee 21-ka November iyo dugsigii farsamada gacanta oo ku yaalla KM-4, iyadoo dadka goobahan daggan ay sheegayaan inaysan garanyn goob ay u guuraan.
Xilligii ay dowladdu u qabtay inay dadkan isaga guuraan goobahaas ayaa wuxuu ku ekaa Axaddii shalay, iyadoo ciidamadu ay maanta billaabeen inay dad si khasab ah uga saaraan xarumaha dowladda ee weli la daggan yahay.
Guddiga loo xilsaaray howshan ayaa waxay horay u sheegeen in qofkii aan xilliga la qabtay uga guurin xarumaha dowladda laga qaadi doono lacagtii muddadii uu ku noolaa, iyagoo tallaabadaas ku sheegay mid lagu ciqaabayo dadka guuri waayay.
Dhismayaasha la amaray in laga guuro ayaa waxaa ka mid ah, 94-iskuul oo ku yaalla 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, xarumaha wasaaradaha dowladda iyo sidoo kale guryihii ay dagganaayeen shaqaalihii dowladdii Maxmaed Siyaad.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa maanta la wareegay dhismaha bacadlaha Xamarweyne, wuxuuna sheegay in xarumahan dowadda oo dhan lagu sameyn doono dayactir si ay wasaaraduhu ugu shaqeeyaan, caruurtuna ay wax ugu bartaan iskuullada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya