Isniin, Feberaayo 06, 2012 (HOL) − Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay isha ku hayaan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaddib markii ay Al-shabaab kala baxday xoogaggeeda jasiirada Kudhaa oo Koonfur kaga beegan Kismaayo.
War ay soo saareen milateriga Kenya ayaa lagu sheegay in deegaanka Buur-gaabo oo 30-km u jira deegaanka Kudhaa uu noqon karo jidka ay u marayaan qabsashada magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.
"Al-shabaab waxay wadaan dagaallo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaannadii laga qabsaday, balse indhaheennu waxay ku jeedaan Kismaayo, halkasoo ay kaga go'an tahay inaan qabsanno," ayuu yiri afhayeenka milateriga Kenya, Maj. Emannuel Chirchir.
Wararka ayaa sheegaya in Kudhaa oo 70-km dhanka Koonfureed ka xigta Kismaayo ay isaga baxeen Xarakada Al-shabaab maalin ka hor, kaddib toddobaadkii hore laga qabsaday degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka milateriga Kenya ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan kuwa Al-shabaab uu ka sheegay masaajid ku yaalla Kudhaa maalintii Jimcaha ahayd inay ka baxayaan halkaas, ayna dagaalkooda u bedelayaan mid dhuumaaleysi ama jabhadeyn ah.
"Kudhaa waxay ahayd saldhig ay dagaalyahannada ajnabiga ah ee Al-shabaab ka tirsan ay tababarto ku siiyaan xoogagga Al-shabaab. Waa halkii lagu dilay Abuu-Cuteyba oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab iyo Abuu-Yaxye Al-Liibi, kuwaasoo ay dileen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayuu yiri afhayeenka milateriga Kenya.
Maj. Chirchir wuxuu sheegay in ciidamdoodu ay ku dileen deegaan Dalaayad lagu magacaabo oo ku dhow degmada Badhaadhe 100 dagaalyahannada Al-shabaab ka tisran, isagoo sheegay in halkaas uu ka socday abaabul dagaal, ayna sidoo kale ku gubeen gaadiid tiknimo ah oo gaaraya labaatameeyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya