Gudoomiyihii xaafada Israac ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo la dilay

Isniin, February 6, 2012 (HOL) - Rag bastoolada ku hubaysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa xalay fiidkii dilay gudoomiyihii xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle.

Dadka dilkaasi geystay ayey u suurogashay in ay goobta ka baxsadeen, mana jirto cid iyadu
wali sheegatay in ay ka dambeysay dilka xalay loo geystay gudoomiyihii xaafadda Israac ee
waqooyiga magaalada gaalkacyo qeybta Maamulka Putland.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in dilka dib ciidamada amaanku ay goobtaasi soo gaareen, kuwaasi oo baadi goob ugu jiray sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen cidii ka dambeysay
falkaasi dilka ah.

Saraakiil ka tirsan maamulka Putland ee magaalada Gaalkacyo, ayaa warbaahinta u sheegay in wadaan baaritaan ku aadan sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiigleyaashii dilka gudoomiyaha ku lug lahaa, haseyeshee aysan wali jirin cid arintaasi loo qabtay.

ALLAHA u naxariistee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, ayaa la sheegay in uu hormuud kaahaa dadaal iyo dhaqdhaqaaqyo amaanka lagu sugayo oo ay ciidamada amaanku maalmihii ugu dambeeyey ka wadeen xaafadda uu gudoomiyaha ahaa ee Israac.

Marxuumka la dilay ayaa xilka gudoomiye-nimada xaafaadda Israac loo magacaabay kadib markii sanadkii tagay sidoo kale isagana kooxo hubaysani ay gudaha magaalada Gaalkacyo ku dileen Axmed Cilmi Cismaan (Gaatax) oo horey xaafadaasi gudoomiye uga ahaan jiray.

Magaalada Gaalkacyo, ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka jiray falal amni xumo oo isugu jira qaraxyo iyo dilal toogasho ah oo lala bartilmaameedsanayey dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa iyo saraakiisha maamulka.

Maxamed Faarax Talyaani
[email protected]
Minneapolis, Minnesota