
Isniin, Feberaayo 06, 2012 (HOL) − Dalka Jabuuti ayaa waxaa maanta oo Isniin ah lagu soo gabgabeeyay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya ICG, kaasoo looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin; sidii lagu fulin lahaa Roadmap-ka iyo sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd xilliga KMG ah.
Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Jabuuti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howl-gallada looga soo horjeedo Al-Shabaab, sidii shacabka Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinka iyo gobollada laga qabsaday Al-shabaab nolol loogu abuuri lahaa iyo shirka London ka dhacaya bisha Feberaayo 23-keeda sannadkan.
Qodobbada shirka kasoo baxay ee la isku afgartay waxaa ka mid ah: In xilliga kala guurka ah lasoo afjaro marka la gaaro 21-ka bisha Ogoosto ee sannadkan, isla markaana la dardar-geliyo dhameystirka dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka iyadoo baarlamaanka cusub ee lasoo xulayana u noqdo mid tayo leh oo shuruudaha looga mid noqonayo ay ka mid yihiin: heerka waxbarashada, in shaqsigu uusan ahayn dambiile, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale, waxaa dhinacyadii shirka ka qaybgalay ay isku raaceen in laga hortago in la xagal-daaciyo howlaha horyaalla xukuumadda, iyadoo ciddii ka hortimaadda la isku raacay in sharciga lala tiigsado.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo shirka soo xiray ayaa ka codsaday dhammaan ka qaybgalayaashii shirka inay mowqif mideysan ka istaagaan shirka London, gaar ahaan dhinaca xoojinta ciidamda Soomaalida iyo sidii hay'adaha amniga dib loogu dhisi lahaa, sidoo kalena loo fulin lahaa Roadmap-ka iyo heshiiskii Garoowe lagu gaaray.
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socda dalalka daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana dhammaan xubnihii ka qaybgalay ay ka dhoofeen Jabuuti, iyadoo lagu wado in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisu ay berri kasoo dhoofaan Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya