Ururro Diimeedyo Soomaaliyeed oo kasoo horjeestay shirka London kuna tilmaamay mid aan waxba soo kordhinayn

Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Ururro diimeedyo Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen maanta kaga soo horjeestay shirka London, iyagoo ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhinayn, waxayna dowladda Britain ku tilmaameen mid fara-gelinaysa Soomaaliya.

Dhammaan ururrada kasoo horjeestay shirkan waxay ku mideysan yihiin dallad lagu magacaabo 'Walaalaha Suufiyada Soomaliyeed', waxaana ku mideysan dariiqooyinka kala ah: Qaadiriya, Axmediya, Makhtuumiya Rufaaciya, Saalixisya, Khadmiya, Seyliciya, shaadaliya iyo kuwo kale.

"Waxaan aad iyo aad uga xunnahay in dowlada Ingiriiska uu si toos ah faraha ula soo gashay arrimaha ummadda Somaliyeed taasoo natiijada ka dhalan karta ay tahay in xannuunka iyo dhibaatada lagu sii kordhiyo Soomaaliya," aya lagu yiri bayaanka ay ururradan soo saareen.

Dowladda Ingiriiska ayay ku tilmaameen inuu kala qaybiyay Soomaaliya xilligii uu gumeysanayay, maantana uusan doonayn inuu xalliyo dhibaatada balse uu doonayo inuu kusii adkeeyo dhibka hadda haysta.

"Ingiriisku waa kii dhulkii Howd (Reserve Area) ee uu isagu maamulyay kuna sinnaa illaa Jigjiga ku wareejiyay dowladda Itoobiya ee xilligaas [dhulka kale ee Soomaaliyeed waxaa qayb ahaan kasoo helay boqorkii Itoobiya Menelik ee ahaa Afrikaanka kaliya ee ka qaybgalay shirkii Baarliin ee Afrika lagu qeybsanaayay 1884-kii," ayaa bayaanka lagu sheegay.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa Fowzi Cali Geeddi oo ah madaxa dalladda ay ku mideysan yihiin ururro diimeedyada kasoo horjeestay shirka, waxayna sheegeen in Britain ay dhulkii Soomaalida ee NDF ku wareejisay Kenya, taasna ay tahay mid aanay Soomaalidu hilmaamayn.

"Ingiriisku waa kii diyaarado dagaal ku duqeeyay Soomaaliya, xilligii uu dagaalka kula jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo qaybo Soomaaliya ka mid ah ka talinayay, iyadoo Soomaaliya ay ahayd dalkii ugu horreeyay Afrika oo lagu duqeeyo diyaarad dagaal," ayay ururradan ku sheegeen bayaankooda.

Ugu dambeyn, waxayn Soomaalida iyo mas'uuliyiintoodaba uga digeen inay si aad ah u eegaan qodobbada shirka kasoo baxaya, balse waxay iyagu sheegeen inay si kastaba ay kasoo horjeedaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya