
Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in DKMG ah iyo Somaliland ay wadahadlaan.
Geelle wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in Soomaaliya xoogga la saaro si ay uga baxdo dhibaatooyinka muddada dheer soo jiray ee ka taagnaa, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay in shirkan uu taabtay xudunta ujeedada dib u dhiska Soomaaliya.
"Wax kasta ha ahaadaan danaha koox ama dal leeyahay, waase inay noqdaan mid si cad loo fahmo - waxaana hadafka shirkan la gaari karaa oo keliya haddii laga fogado wixii hoos u dhigay in xal laga gaaro mushkiladda Soomaaliya oo ah in wax-qabadka beesha calaamka iyo midda goboleed aysan ahayn kuwo isku xiran oo hadaf mida lehm" ayuu yiri madaxweynaha Jabuut.
Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in dalkiisu uu ciidammo ka mid noqda AMISOM u diray Soomaaliya, isagoo xusay inuu si xoog leh u taageerayo kaalmo walba oo la siiyo AMISOM wuxuuna ku taliyay in la ilaaliyo halka ay marto kaalmada AMISOM la siinayo.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay laga maarmaan tahay in la helo ciidammo awood leh oo Soomaaliyeed, kuwaasoo xilka kala wareega ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.
Dowladda Jabuuti ayaa waxaa kaga sugan Muqdisho 200-askari oo qayb ka ah hal 850-askari oo ciidamo ah kuwaasoo ay ku biirisay ciidamada AMISOM oo dowladda Soomaaliya ka caawiya sidii lagu soo celin lahaa nabadda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya