Dowladda Turkiga oo shaacisay dhaqaalaha uga baxday caawinaaddii ay u fidisay barakacayaasha Soomaaliya

Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Warbixin kasoo baxday xafiiska xiriirka siyaasadda dibadda ee ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay sannadkii hore oo keliya ku bixisay gargaarka Soomaaliya lacag gaaraysa 365-milyan oo doolarka Mareykanka.

Turkiga ayaa warbixintan soo saaray shalay oo Arbaco ahayd, iyadoo lagu soo beegay xilli uu maanta ka dhacayo dalka Britain shir looga hadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya, iyadoo Turkiga ay ka mid ahaayeen dalalkii gurmadka deg-degga u fidiyay dadkii ay abaaruhu soo barakaciyeen.

Abaarihii ku dhuftay Soomaaliya sannadkii hore oo ahaa kuwii ugu xumaa ee soo mara muddo 60-sano ka badan ayaa waxay galaafteen nolosha 29,000 oo caruur ah, waxaana dowladda Turkiga ay gargaarkeeda gaarsiisay gobollada dalka qaar ka mid ah.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo xubno ka tirsan qoyskiisa oo ay wehliyaan xubno isugu jira wasiirro, ganacsato, fannaaniin iyo mas'uuliyiin kale oo dowladdiisa ka tirsan ayaa waxay booqasho ku tageen Muqdisho bishii Ogoosto ee sannadkii hore si ay u qiimeeyaan xaaladda bani'aadamnimo ee ka jirta.

Booqashadaas kaddib ayuu ra'iisul wasaaraha Turkigu ku qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga shirweyne caalami ah oo dhaqaale loogu ururiyay Somalia, iyadoo dalalka Islaamku ay ugu yabooheen Soomaaliya lacag gaaraysa 350-milyan oo doolarka Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmet Davutoğlu oo ka qaybgalaya shirka London ayaa lagu wadaa inuu shirkaas ka sheego sidii gacan looga geysan lahaa qorshaha ay Turkigu ku doonayaan inay dib ugu dhisaan Soomaaliya si meesha looga saaro falalka isugu jira argagaxisonimada iyo burcadbadeednimada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya