
Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shirka London ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta hubka, si ay dowladda KMG ah awood ugu yeelato inay xoojiso ciidamadeeda.
Sheekh Shariif oo khudbadiisa ku jeedinayay afka carabiga ayaa soo hadal qaaday dhowr waxyaabood oo ay dowladdu qabatay, kuwaasoo ay ka mid yihiin inay kala wareegeen Muqdisho iyo degmooyin kale oo dalka ku yaalla xoogagga Al-shabaab.
"Waa in dalalka caalamku sii wadaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in inta badan aysan beesha caalamku aysan bixin taageerada dhaqaale ee ay u ballanqaadaan Soomaaliya," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday in go'aannadii lagu gaaray shirarkii Garoowe iyo Muqdisho ay dowladdiisu fulinayso, isagoo xusay inay sidoo kale ka go'an tahay in dowladdiisu ay fuliso heshiiska Roadmap-ka lana dhameystiro xilliga KMG ah.
"Deegaannada iyo maamullada Sooamaaliya ka jira oo dhan way isku raacsan yihiin in la sugo ammaanka dalka oo dhan iyo in dagaal adag lala galo argagaxisada oo khatar ku haya dalka iyo dunida inteeda kale," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sidoo kale hadalkiisa oo dheeraa kusoo qaaday burcadbadeedda isagoo sheegay in beesha caalamku aysan waxba uga qaban sidii loo baahnaa, wuxuuna codsaday in burcadbadeeda lasoo qabto laguna maxkamadeeyo gudaha dalka Soomaaliya, si loo ilaaliyo shuruucda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, isagoo xusay in shirkan ay kasoo bixi karaan wax weyn oo Soomaaliya dhaxal-gal u noqda. Sidoo kale, shirka waxaa ammaanay madaxda maamullada ka jira Soomaaliya iyagoo rajeeyay inay wax wanaagsan kasoo bixi karaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya