Afhayeenka Milateriga Kenya oo sheegay in Xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen Koonfurta Soomaaliya

Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Afhayeenka Milateriga Kenya, Maj. Emannuel Chirchir ayaa sheegay in weerar ay ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya fuliyeen Talaaddii lasoo dhaafay ku dileen 14 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan ayna burburiyeen saldhig ay ku lahaayeen gobolka Gedo.

Maj. Chirchir wuxuu sheegay inaysan jirin khasaare soo gaartay ciidamadooda, ayna weerarka ku gubeen gaadiid dagaal ayna ku qabsadeen howlgalkaas qalabka loo adeegsado isgaarsiinta ee ay ciidamadu isticmaalaan.

"Hal gaari oo kuwa dagaalka ah waa la burburiyay, sidoo kale waxaa lagu qabsaday qalab isgaarsiin. Ma jiro khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya," ayuu yiri afhayeenka milateriga Kenya oo sheegay in xarunta ay burburiyeen uu ku yaallay inta u dhexeysa deegaannada Ceel-cadde iyo Ceel-Winley oo ka tirsan gobolka Gedo.

Dowladda Kenya ayaa waxay Soomaaliya u dirtay kumannaan askarteeda ka mid ah sannadkii lasoo dhaafay si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay falal xad-ka-tallow ah oo lagu geystay afduubyada iyo dilalka dad isugu jiray ajnabi iyo Kenyan.

"Jimcihii lasoo dhaafay, in ka badan 10 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan ayaan ku dilnay weerarro ay ciidamadeennu ku qaadeen saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku sugnaayeen," ayuu yiri Maj. Chirchir, balse ma sheegin khasaare kasoo gaartay dhankooda.

Ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay maamulaan deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin: Raas-kambooni, Buur-gaabo, Hoosingoow, Badhaadhe, Taabto, Ceel-cadde, Ceel-waaq iyo deegaanno kale.

Dowladda Kenya ayaa waxay sheegtay in ujeedada ugu weyn ee ay u galeen dalka Soomaaliya ay tahay inay qabsadaan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose halkaasoo ah saldhigga ugu weyn Al-shabaab ee ay ku leedahay Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab oo culeys dhinaca milateriga ah uu saaran yahay ayaan ka hadlin hadalka afhayeenka milateriga Kenya uu ku sheegay inay labaatameeyo ka tirsan dagaalyahanadooda ku dileen dagaalo ka dhacay gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya