Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay laba qarax oo lagu weeraray ciidamada Itoobiya, kuwaasoo midkooda uu ka dhacay warshadda Xasey oo ay saldhig ka dhigteen ciidamadan horayna saldhig ugu ahayd Al-shabaab.
Ciidamada Itoobiya oo wata gaadiid dagaal oo fara badan iyo ciidammo Soomaalia ah oo la socda ayaa shalay gallinkii dambe la wareegay gacan ku haynta degmada Baydhabo oo xarun muhiim ah u ahayd Al-shabaab, lamana oga khasaaraha kasoo gaaray qaraxyada lagu weeraray oo miinooyin ahaa.
Xalay ayay ciidamada Itoobiya laba wiil oo dhallinyaro ah ku dileen gudaha degmada Baydhabo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayna ku hareen degmada, waxaana sidoo kale ay ciidamada Itoobiya dileen qof kale shalay galinkii dambe.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ka helaya gacan ciidamada Itoobiya, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay muddo saddex sano ah oo laga qabsado Al-shabaab.
Saraakiisha dowladda ee hoggaamiyaha dagaalka lagu qabsaday Baydhabo ayaa sheegay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan degmooyinka gobolka oo dhan, inkastoo aysan sheegin xilliga ay ka dhaqaaqayaan Baydhabo.
Mas'uuliyiin u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inay qaab xeelad ah uga baxeen degmada Baydhabo iyagoo xusay inay isku bedeli doonto degmadaas qabriyo lagu aaso ciidamada Itoobiya.
Afhayeenka dowladda Itoobiya, Bereket Simon oo ka hadlay ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay Baydhabo ayaa sheegay in Al-shabaab ay hadda billaabeen inay cararaan, iyaguna ay raacdeysan doonaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya