
Muqdisho, Soomaaliya – Talaado 14 Febraayo 2012) Waxaa maanta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho looga dhawaaqay Madasha Daljir ama Daljir Forum oo ah madal kulmisa ayna ku tashadaan waxgaradka Soomaaliyeed ee u heellan in ay kaalin ka qaataan xal u helidda mashaakilada ku daba dheeraaday Soomaaliya.
Xafladda ku dhawaaqidda Madasha Daljir ama Daljir Forum oo lagu qabtay Hotelka Ambassador ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf isugu jirtay odayaasha dhaqanka, culumada, xildhibaanada baarlamaanka, siyaasiyiin can ah, ururada haweenka, abwaanada iyo dhallinyarada ku sugan caasimadda Muqdisho.
Xafaladda oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa warbixin kooban ka bixiyey ujeeddada, hadafka iyo hiigsiga Madasha Daljir, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Madasha Daljir Mudane Dahir Maxamuud Geelle oo ugu horrayn mahad ballaaran u jeediyey ka soo qayb-galayaasha xafladda, isaga oo tilmaamay in ujeeddada loo aasaasay Madasha Daljir ay tahay, sida ku cad magaca madashaba, ilaalinta danta dhow, midda dhexe iyo midda dheer ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Daljir Forum, sida magacaba ku cad, waa daljir, waa madal u istaagtay in ay u sahmiso, difaacdo, kana shaqayso danta ummadda Soomaaliyeed; Daljir waa gole adeegsanaya aqoon, khibrad iyo midaynta maanka iyo muruqa shacabka Soomaaliyeed si loo ilaasho diinta, danaha dadka iyo kuwa Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” ayuu yiri mudane Dahir Maxamud Gelle oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, horayna u soo qabtay masuuliyadda Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta. Isaga oo intaas ku daray in madashu aysan xisbi siyaasadeed ahayn balse ay tahay madal ama gole Soomaalidu ku tashato, kuna soo saarto waxa ay u aragto danta dalka.
Madashu waxa ay maalmaha soo socda soo saari doontaa qoraal ka tarjumaya aragtida madasha daljir ee arrimaha waaweyn ee dalka horyaalla.
Madasha Daljir waxay diyaar tahay in ay iskaashi iyo wadashaqyn la yeelato dhammaan qaybaha bulshada, waxgaradka iyo waddaniyiinta danaynaya in la soo celiyo sharaftii, midnimadii iyo houmarkii Jamhuuriyadda Soomaaliya.


Xafiiska Warfaafinta ee Madasha Daljir
[email protected]