Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Iscasilay, eedeyna usoo jeediyey wasiirka Arrimaha dibadda iyo wasiirka Madaxtooyadda Somaliland

Talaado, Febraayo 14,2012 (HOL)- Agaasimihii wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, Mr:Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa xilkii agaasimenimo ee uu wasaaradaasi ka hayey iska casilay, soona bandhigay Musuqmaasuq iyo maamul xumo hadheeyey wasaaradaasi.

Maxamuud Raage Ibraahim waxa uu soo bandhigay lacago xad dhaaf ah oo uu sheegay inuu lunsaday wasiirka Arrimaha dibadda, isla markaana ku taageeray wasiirka Madaxtooyadda Somaliland lunsigaa hantida Qaranka sida uu tilmaamay agaasimuhu.

Sidoo kale, waxa uu xusay in labadan wasiir ay samaysteen urur siyaasadeedka NASIYE, kaas oo miisaaniyaddii wasaaradda lagu maalgaliyo, taasina uu sheegay inuu Aqbali kari waayo inuu daawaddo hantida ummadda oo si gaar ah loo xadayo, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay  inuu labadaas masuul uu dalka ka qabto.

Maxamed Raage wuxuu eedeen weyn usoo jeediyey wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, waxaanu yidhi “ madaxweyne waxa layaab noqotay oo aan maanta si toos ah kula hadlayaa si aan kugu hiiliyo oo xaqa kugu hiilayo wasiirku waxa uu nagu amray in aanu siino kharashkii lagu furayey xafiiska koonfurta Sudaan,oo kharashkaasi ahaa 64,000 oo dollar, waxaan muddo afar bilood ah laga joogo sugayey in xafiiskaasi la furo ilaa maanta ma furno, kharashkiina xogo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ururada qaarkood lagu furtay”

“waxaan sheegaya  Sadex boqol iyo afar kun iyo shan boqol, laba iyo sagaashan dollar uu isagu maamulay oo uu sheegay inuu xafiisyo cusubku furay, arrintaasna aanay waxba ka jirin” ayuu yidhi.

“ madaxweyne kala dooro qaranka Somaliland iyo laba wasiir, labadda wasiir ee Arrimaha dibadda iyo Madaxtooyadda xisbi ayey leeyihiin xisbigana waxa la yidhaa NASIYE,  ma dhacayso inay labaddaas qof oo kaliya wax ku sheegaan” ayuu agaasimuhu intaas raaciyey.

Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Md: Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa eedeentaas ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin, isla markaana agaasimaha ku eedeeyey inuu gudan kari waayey shaqadiisa, isla markaana uu digniin siiyey, taasina ay keentay iscasilaadiisa.

“ agaasimuhu wuu gudan kari waayey shaqadiisa, hawsha wasaaraduna way balaadhan tahay, isna khibrad intaas leeg muu lahayn, waxaana u qabanay khabiiro tobabara nasiib daro taasna wuu ka soo bixi kari waayey, sidaas darteed ayaanu digniin u siinay” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, isagoo sheegay in aanay waxba ka jirin lacagtaas lagu eedeeyey inuu lunsaday.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland