Talaado, Feberaayo 14, 2012 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa rajo wanaagsan ka muujiyauy shirka lagu qabanayo London 23-ka bishan Feberaayo, kaasoo looga hadlayo arrimaha Dalka Soomaaliya.
Dr C/weli Gaas wuxuu sheegay in shirkan uu udub dhexaad u noqon doono deggenaaasho lagu soo celiyo Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib, isagoo xusay in shirkan uu indhaha caalamka kusoo duwayo Soomaaliya.
"Waxaan rajeynayaa in shirkan ay kasoo bixi doonaan qorshe dhameystiran oo dib loogu dhisayo Soomaaliya," ayuu ra'iisul wasaaruhu u sheegay warbaahinta, isagoo sidoo kale xusay inay dadka Soomaaliyeed rajo wanaagsan ka filayaan shirkaas.
Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, David Cameron ayaa sannadkii hore sheegay inuu shir u qabanayo Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu indhaha caalamka ugu soo jeedinayo Soomaaliya si wax looga qabato colaadaha raagay ee ka taagan.
"Waxaan sidoo kale rajeynayaa in shirka London uu sabab u noqdo in caalamka uu kordhiyo taageeradiisa Soomaaliya, dibna u soo celiyo dareenka bulshada caalamka ee ku aaddan Soomaaliya," ayuu Dr C/weli hadalkiisa ku daray.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo ay dunidu aqoonsan tahay, balse ay dagaallo muddo dheer ka socdeen, isagoo xusay in xukuumaddiisu ay xoogga saarayso sidii uu ku fuli lahaa Raodmap-ka oo looga saarayo Soomaaliya xilliga KMG ah.
Dhanka kale, Xarakada Al-shabaab oo ku biirtay Al-Qaacida ayaa waxay shirka London ku tilmaantay qorshe lagu doonayo in Soomaaliya lagu geliyo maxmiyad, iyagoo sheegay inay shanta farood uga hortagayaan qodobbada kasoo shirkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya