Tartamadii Isboortiga Gobolka Hiiraan oo labo sano kaddib bilawday


Talaado, February 14, 2012(HOL): Gobolka Hiiraan oo magac iyo taariikh ku lahaa Isboortiga Soomaaliya ayaa waxa la soo gudboonaatay in aysan wax tartamo ama ciyaarro Isboorti ah aysan ka dhicin, taasna waxaa sabab u ahaa dagaallada is-dabo joog ahaa ee kooxaka kala gedisan isaga soo horjeedeen.

Laakin  maalintii  jimcaha ee ay taariikhda ahayd 2012-02-10 ayaa mar kale  laga qabtay tartan Sporti oo loogu magac daray KULMIS CUP. Tartankaan kubadda Cagta oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Olympicka Gobolka Hiiraan ayaa  ujeedada tartanka loo qabtay waxaa ka hadlay  Abdikariin Hassan Cabdulle (Yani).

“Furitaankii ciyaaraha ujeedada looga danleeyay waxaa ay tahay in dib loo soo nooleeyo tartamadii sportiga ee Gobolka lagu qaban jiray, la siiyo dhalinyarada fursad ay dhexdooda ku tartamaan”


Yani ayaa dhalinyarada kula dardaamay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag iyo in ay dhalinyarada kala faa’iideystaan. Mr Yani waxaa kale oo uu ka hadlay in la joogo waqtigii Sportiga Gobolka la horumarin lahaa, waayo ayuu yiri Isboortiga waa kan kaliya oo aan wax siyaasad ah aan lug ku laheyn, balse ay ka shaqeeyaan  kobcinta dhalinyarada haddii ay ahaan lahayd xagga  jir ahaan ama maskax ahaanba.

Tartankaan waxaa ka soo qeyb galay 20 kooxaha oo ka dhisan xaafadaha ay ka kooban Magalaada Beledweyne. Kooban oo bilawday 2012-02-10 waxa u socondoonaa ilaa horaanta bisha Maarso ee soo socota.