Talaado, Feberaayo, 14, 2012 (HOL) - Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidamada midowgga Africa ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in saakay waabarigii hore ee ciidamada AMISOM ee la wareegeen fariisimo ama xuramo muhiim ah oo sida ay sheegeen saraakiisha AMISOM ku
yaala duleedka magaalada Muqdisho.
Taliye ku-xigeenka ciidamada AMISOM Audace Nduwumusi ayaa warbaahinta u sheegay in saakay ciidamadu la wareegeen halka lagu magacaabo Buurta Cali Janaale oo ku taala duleedka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in goobta ay ciidamadu tageen saakay aheyd halka inta badan looga soo duuli jiray ciidamada midowgga Africa muhiimad gaar ahna ulaa
xoogagga ka soo horjeeda ee Al-shabaab.
Sidoo kale ciidamada midowgga Africa ayuu sheegay in gaareen halka lagu magacaabo Sarta Maslax oo qiyaastii ilaa 200 oo talaabo u jirta xarunta taliska Asluubta ee ku taala agagaarka Ex-koontarool Afgooye, halkaa oo ay ciidamadu ka sameyteen fariisin cusub.
Dhaq dhaqaaq iyo isbaraarinta ay sameeyeen ciidamada AMISOM duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Ex-koontarool Afgooye, ayaa markii danbe sababay in ay weerar ku soo qaadeen xoogagga Xarrakada Mujaahidiita Al-shabaab, waxaana labada dhinac dhaxmaray dagaal kooban.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda ayaa warbaahinta u sheegay in dagaallka saakay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Ex-koontarool Afgooye wax khasaare ah ka soo gaarin dhinacooda, waxaana uu intaa ku darray in ay dib u caabiyeen kooxihii weerarka soo
qaaday.
Dhaq dhaqaaqa militari iyo isbalaarinta cusub oo ay sameynayaan ciidamada midowgga Africa oo caawiya dowladda KMG ayaa ku soo beegamaya xili dhawaan taliska AMISOM ay sheegeen in ay dulaan ku yihiin degmada Afgooye ee gobollka Shabeellaha hoose.
Max’ed Xaaji Xusseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaliya
Ciidamada AMISOM oo la wareegay deegaanno muhiim ah oo ku yaalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye
More News
- Madasha Daljir (Daljir Forum) Oo Maanta Muqdisho Looga Dhawaaqay
- Tartamadii Isboortiga Gobolka Hiiraan oo labo sano kaddib bilawday
- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Garowe ku sugan
- Bannaanbax looga horjeedo ururrada Shabaab iyo Al-Qaacida oo ka dhacay magaalada Muqdisho
- Madaxweyne Shariif oo isbadal ku sameeyay xilalkii ay hayeen wasiirro ka tirsan xukuumada KMG
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo rajo ka muujiyay shirka lagu qabanayo London
- Weerar lagu dilay Tiro ka mid ah ciidamada Puntland oo saakay aroortii hore ka dhacay deegaan ku dhow degmada Boosaaso
- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Iscasilay, eedeyna usoo jeediyey wasiirka Arrimaha dibadda iyo wasiirka Madaxtooyadda Somaliland