Bannaanbax looga horjeedo ururrada Shabaab iyo Al-Qaacida oo ka dhacay magaalada Muqdisho


Talaado, February 14, 2012(HOL) - Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay dibadbixii ugu weynaa oo ay uga horjeedaan ururrada Shabaab iyo Al-Qaacida, waxaana dadweynaha oo markoodii hore isugu soo ururay xarunta Tiyaatarka Qaranka ay socod dheer ku soo mareen qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxa oo ay soo qabanqaabiyeen Hay'adda wadahadalka Bulshada CCD, maamulka degmada Wardhiigley iyo qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne tiradoodu ka badan tahay 500-qof ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda KMG ah.

Dibadbaxayaasha Muqdisho oo sitay boorar ay ku qornaayeen Soomaaliya Soomaali baa leh, dhul ninkiisa baa iska leh, Al-Shabaab iyo Al-Qaacida waa cadowga ummadda Soomaaliyeed iyo ereyo kale oo fara
badan, iyagoo markii dambe dadweynaha socodkoodii ay ku tageen xarunta Degmada Wardhiigley.

Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Deeqa C/qaadir Axmed oo halkaasi ka jeedisay khudbad ayaa sheegtay marka hore inay tacsi u direyso dhibaatooyin ay kooxda Shabaab u geysteen ganacsato iyo barakacayaasha degan degaanka Ceelasha Biyaha kaddib markii ay Shabaabku ku khasbeen inay ka soo qeyb galaan bannaanbax lagu taageerayo ururka Al-Qaacida.


"Dadka u barakacay degaanada Ceelasha Biyaha waxaan uga tacsiyeynayaa dhibaatada ka soo gaartay kooxaha nabad-diidka Al-Shabaab, insha Allah mar dhow way ka xoroobi doonaan" ayay tiri Deeqo C/qaadir Axmed oo sheegtay in sida G/Banaadir looga xoreeyay Al-Shabaab sidoo kalena looga xoreynayo degaanada ceelasha biyaha iyo gobolada dalka oo dhan.

Guddoomiyaha Hay'adda Wadahadalka Bulshada CCD Md. Ciise Axmed Cumar oo ka mid ahaa madaxda ka soo qeyb gashay dibadbaxa ayaa sheegay inuusan shucuurtiisa ku qiyaasi karin dareenka ay muujineyso sida
shacabka Muqdisho uga horjeedaan ururka Al-Shabaab iyo midowga ay la sameeyeen Al-Qaacida.

"Runtii dadka Soomaaliyeed waa dad xadaarad leh waxay iska xoreeyeen gumeysi fara badan, maantana naguma adkaaneyso inaan dalka ka saarno Shabaab iyo Al-Qaacida" ayuu yiri Guddoomiyaha Hay'adda CCD oo ku booriyay shacabka Muqdisho inay u midoobaan cadowgooda.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa isna halkaasi khudbad dheer ka jeediyay, isagoona ka hadlay horjoogayaasha ururka Al-Shabaab sida Godane, Shongole iyo Cali Dheere oo uu sheegay in caruurtooda ay ku nool yihiin dalalka Sweden iyo Norway, isagoo sheegay inay shacabka Soomaaliyeed ku dagaal geliyaan gaalo dalka ku soo duushay, halka ay caruurtooda qurbaha joogta u soo diraan lacagta ceyrta ah ee qaxootiga laga siiyo.

"Dadweynaha Muqdisho waxay ka dhiidhiyeen casabiyadii uu hoggaaminayay Godane oo naf ka raadiyay Al-Qaacida, qof jirta ayaa wax ku biirta ee koox xalaaleystay dhiigga shacabka wax ay ku biiri jaraan ma ay jirto" ayuu yiri Guddoomiye Tarsan oo sheegay in ururka Al-Shabaab uu caadeystay xasuuqa hooyooyinka aan waxba galabsan iyo caruurta agoonta ah.

"Kaalaya anaga noo imaada haddii aad wax isku heysaan, waxaad taqaanaan oo kaliya inaad haweenka iyo caruurta agoonta ah dariiqyada miinooyin ugu aastaan" ayuu yiri Guddoomiye Tarsan oo sheegay in Axmed
Godane uu hoggaamiyo kooxo ka kooban saddex qeybood.

Waxa uu sheegay in kooxda ugu horeysa ay qandaraasyo ka qaataan hay'adaha ka shaqeeya degaanada ay Shabaabku maamulaan, kuwo kale oo u dhaxeeya Godane iyo Al-Qaacida oo iyana dhaqaalaha yar ee ay ka helaan ku ganacsada isla markaana dukaamo iyo bakhaaro ku furtay iyo qeybta saddexaad oo uu sheegay inay yihiin kuwo ka baayac mushtara dhiiga shacabka ee cadowtooyo u qaaday dadka magaalada Muqdisho.


Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Md. Jeylaani Nuur Iikar oo halkaasi ka jeediyay khudbadda xiritaanka bannaanbaxaasi ayaa sheegay inaysan wax cabsi ah ku abuurin ku biiritaanka ururka
Al-Shabaab ay ku biireen ururka Al-Qaacida, isagoona sheegay in xilligii Shabaab iyo argagixiso uu ka dhammaaday dalka loona jeestay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo soo celinta qaranimadii
uu dalku lahaa, wuxuuna dadweynaha Degmooyinka Wardhiigley iyo Howlwadaag kula dardaarmay inay soo dhoweeyaan dadka guryahooda dib ugu soo laabanaya isla markaana ay caawiyaan wixii ay ku taageeri
karaan.