Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.
Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012 xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL”ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka.
Waxaana intaas lagu daray “ Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL”.
Waxaana la faray in uu xilka ku wareejiyo si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta masuul kale loo soo magacaabayo.
Haseyeeshee, lama sheegin sababta xilka looga qaaday, waxaase la sheegayaa inay xilka qaadistu timid ka dib markii wasiirka Warfaafintu dhawr cisho ka hor uu xilalkii ay wasaaradda u hayeen ka qaaday agaasimaha Telefishanka Qaranka iyo maareeyihii wargeyska dawladda ee DAWAN, labadan masuul oo ay aad iskugu dhow yihiin madaxtooyadda, isla markaana wakhtigii KULMIYE mucaaradka ahaa idaacad qarsoodi ah oo kulmiye lahaa uga shaqayn jireen, kuwaas oo dhawr jeer ay xukuumaddii Rayaale ku xidhay ayaa loo aanaynayaa inay ka dambaysay xilka ka qaadistiisu.
Sidoo kale, waxa jiray in wasiirka ay isku dhaceen afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Cukuse, oo arrimo xaga shaqadda ah iskaga hor yimaadeen, taas oo khilaaf hoose oo labadooda ku koobani uu baryahan dambe uu jiray.
Si kastaba ha ahaatee, si rasmi ah looma sheegin sababta xilka looga qaaday, haseyeeshee, wasiirkan shaqada laga eryey ayaa dadweynuhu aad u hadal hayeen sababta xilka looga qaaday, isago ku jira dhawrka wasiir ee ay dadku aad u taageeraan, isla markaana ahaa masuul shaqada ku cusbaa oo dhowaan loo magacaabay wasaarada warfaafinta Somalilnad, horana ugu jirin siyaasada iyo xisbiyada dalka ka jira.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Madaxweynaha Somaliland oo shaqadii ka eryay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland iyo Sababta loo Aanaynayo xil ka qaadistiisa
More News
- Hoggaamiye Kooxeedyadii horay loo diiday oo loo ogolaaday in Baarlamaanka cusub ay ka mid noqdaan iyo Muran ka taagan Arrintan
- Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaysa dagaal saaka ka dhacay Deegaanno ka tisran Gobolka Jubbada Hoose
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo kalankiisii ugu horeeyay maanta la yeeshay Wakiillo ka Socday Beesha Calaamka
- Siyaasiyiin kasoo baxay UDUB oo ku biiray KULMIYE soo bandhigay Awoodda taageero ee ay kusoo biirinayaan Xisbiga Talada haya
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada Soomaaliya, Kenya, Raaskambooni iyo Al-shabaab oo ka socda Gobolka Jubada Hoose
- Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay inay sameysanayaan maamul Gobolleed u gaar ah
- Ciidammo ka tirsan Booliiska dalka Kenya iyo dad shacab ah oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa
- Madaxweynaha Soomaaliya oo u Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay
- Qaraxyo Khasaare Nafeed Geysay oo Xalay ka dhacay Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose