Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.
Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in ay ka qeybqaadanayeen diyaaradaha dagaalka Kenya, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada huwanta ah ay kaabiga ku hayaan deegaanka Birta dheer oo 60KM u jira magaalada Kismaayo.
Afhahayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Max’ed Daahir Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii saaka ay ku dileen 15 ka tirsan dagaalayahnnada Al-shabaab, tiro intaasi ka badanna ay ka dhaawaceen, wuxuuna sheegay in ay jiireen fariisimo dhowr ah oo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka Afmadow isla markaasna ay haatan kaabiga ku hayaan deegaanka Birta Dheer.
Saraakiil u hadashay Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda guulo ka sheegtay dagaalka, waxayna sheegeen inay ka-hortageen weerar ay soo qaadeen ciidamada huwanta ah, islamarkaasina ay dib ugu celiyeen halkii ay kasoo duuleen.
Sheegashada labada dhinac ka sokow ma jiraan warar madaxbannaan oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, haseyeeshee wararka aynu ka heleyno deegaanada ku dhowdhow halka uu dagaalka ka socdo waxa ay sheegayaan in weli ay rasaastu socoto islamarkaasina labada ciidan ay ku dagaalamayaan nawaaxiga deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubada Hoose.
Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa sheegay in aysan joojin doonin dagaallada inta ay gacanta uga dhigayaan magaalada Kismaayo oo ay haatan u jiraan ku dhowaad 60KM.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaysa dagaal saaka ka dhacay Deegaanno ka tisran Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Hoggaamiye Kooxeedyadii horay loo diiday oo loo ogolaaday in Baarlamaanka cusub ay ka mid noqdaan iyo Muran ka taagan Arrintan
- Madaxweynaha Somaliland oo shaqadii ka eryay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland iyo Sababta loo Aanaynayo xil ka qaadistiisa
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo kalankiisii ugu horeeyay maanta la yeeshay Wakiillo ka Socday Beesha Calaamka
- Siyaasiyiin kasoo baxay UDUB oo ku biiray KULMIYE soo bandhigay Awoodda taageero ee ay kusoo biirinayaan Xisbiga Talada haya
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada Soomaaliya, Kenya, Raaskambooni iyo Al-shabaab oo ka socda Gobolka Jubada Hoose
- Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay inay sameysanayaan maamul Gobolleed u gaar ah
- Ciidammo ka tirsan Booliiska dalka Kenya iyo dad shacab ah oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa
- Madaxweynaha Soomaaliya oo u Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay
- Qaraxyo Khasaare Nafeed Geysay oo Xalay ka dhacay Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose