3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Qaraxyo Khasaare Nafeed Geysay oo Xalay ka dhacay Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.

Qaraxyada ayaa waxay ka dhaceen goob shaah lagu kariyo iyo saldhigga degmada Marko halkaasoo la sheegay in markii qaraxyadu ay dhacayeen ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

"Way jiraan qaraxyada ka dhacay Marko, balse ma jiro khasaara ciidankeenna kasoo gaaray," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Shabeellada hoose, Axmed Maxamed Cumar.

Goobjoogayaal ku sugan Marko ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo aad u waaweyn, balse aysan garan karin khasaaraha ay geysteen, waxaana warar aan ka helayno Marko ay sheegayaan in sidoo kale ay shalay gallinkii dambe qaraxyo ka dhaceen xarunta idaacadda Andulus ay ku lahayd degmada Marko xilli ay ciidamadu sameynayeen baaritaanno.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa shalay gudaha u galay degmada Marko halkaasoo ay dorraad Al-shabaab isaga baxday, iyadoo mas'uuliyiinta dowladda ay rajo ka muujiyeen inaysan wax falal ammaan-darro ah aysan ka dhici doonin degmada.

Mas'uuliyiin u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay khasaare xooggan kasoo gaartay qaraxyo ka dhacay goobo degmadaas ka tirsan, inkastoo Al-shabaab aysan sheegin tirada askarta ku dhimatay.

Degmada Marko oo 90-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa meelihii ugu fogaa oo ay gaaraan ciidamada AMISOM tan iyo markii ay howgalkooda ka billaabeen Muqdisho sannadkii 2007 oo laga joogo muddo shan sano ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/29/2012 9:55 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee dalka ayaa go'aamisay inay hogaamiye kooxeedyadii horay loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, iyadoo baabi'isay diidmadii guddiga farsamada kasoo baxday.

8/29/2012 9:20 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.

8/29/2012 9:04 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

8/29/2012 8:49 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

8/29/2012 8:48 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Xubno ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaa awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

8/29/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

8/29/2012 4:45 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.

8/29/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

8/29/2012 3:18 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.